fredag, april 26, 2024

Fredrikstad: ATM-Mashiin soo bixinayo lacag ka badan tii aad lasoo baxday.

Booliska magaalada Fredrikstad ayaa sheegay in mid kamid ah mashiinadda lacagta lagala baxo ee kuyaal magaaladda uu maanta soo saarayay lacag ka badan tan uu qofku mashiinka ka dalbado inuu usoo saaro.

Mashiinkan oo uu leeyahay bankiga Nordea ayaa kuyaal senterka magaalada Fredrikstad, sida ay boolisku u sheegeen wargeyska Fredriksstad blad. Waxaana ciladdaha lagu arkay kamid ah in hadii uu tusaale ahaan qofku dalbado inuu mashiinka lacag-cadaan ahaan ugala soo baxdo 1000 kr, uu soo bixinayo 2500 kr.

Lama oga cilada sababtay in mashiinku uu lacagta qeybiyo, balse bankiga iska leh mashiinka ayaa lagu wargaliyay inay ciladaas wax ka qabtaan.

Booliska ayaa sheegay in mashiinka ay kusoo xoomeen dhalinyaro rabtay inay helaan lacag bilaash ah, laakiin waxey hoosta ka xariiqeen in lacagta dheeraadka ah ee mashiinku uu soo saaray, aysan aheyn mid bilaash ah. Waxeyna raaciyeen in hadii uu qofku helo lacag ka badan tii uu dalbaday, laga soo dalban doono inuu lacagtaas dib u celiyo, loona soo diri doono Faktura( waraaqda lacag bixinta).

Bankiga iska leh mashiinka ayaa hada xiray in mashiinkaas wax lacag ah lagala bixi karo, sida uu qoray wargeyska Fredrikstadblad.

Xigasho/kilde: Minibank i Fredrikstad gir ut for mye penger.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x