søndag, april 28, 2024

Dakhtar si qaldan u qalay bukaan badan oo dacwad lagu soo oogay: Wuxuu sheegtay aqoon uusan laheyn.

Waxaa dacwad lagu oogay dhakhtar ajnabi ah oo 11 sano ku shaqeynayay inuu ahaa dhakhtar si gaar ah ugu takhasusay qaliinadda, laakiin markii danbe la ogaaday inuusan aqoontaas laheyn. Dhakhtarkan ayaa sida ay boolisku u sheegeen NRK ahaa qofkii fuliyay qaliino badan oo si qaldan loo sameeyay, kuwaas oo qaarkood ay sababeen dhimasho.

Booliska ayaa sheegay inay baaritaan ku hayeen dhakhtarkan iyo isbitaalka uu ka shaqeynayay ee Sørlandet, kadibna ay go’ aansadeen inay dacwad kusoo oogaan dhakhtarkan oo fuliyay qaliino badan oo si qaldan loo sameeyay. Dhibaato badan u geystay dad bukaan ah oo qaliinadaas lagu sameeyay.

Dad badan oo kamid ah dadka uu ninkan qaliinka ku sameeyay, ayaa baaritaan kadib la ogaaday inaysan wax qaliin ah u baahneyn, balse uu dhakhtarkaas ku sameeyay qaliino ay qaarkood aad u waaweynaayeen.

Dhakhtarkan oo asal ahaan u dhashay dalka Khasakhistaan, da’diisuna ay boolisku ku sheegeen 55 sano jir, ayaa Norway soo galay sanadkii 2008. Waxeyna sida ay boolisku sheegeen uu xiligan ku suganyahay dalka Germany oo uu xarun cusub ka shaqo bilaabay, kadib markii ay Norway ka celisay leysinkii dhakhtirnimadda.

Booliska Norway ayaa ninkan ka baafiyay hey\ adda booliska aduunka ee Interpol, waxaana hey\ adda caafimaadka lagu wargaliyay in ninkan ay Norway kaga socoto dacwad. Taas oo sababtay in laga joojiyo shaqadii uu xarunta Germany kutaal uu ka waday.

Xigasho/kilde: Politiet har tatt ut tiltale mot legen som har feiloperert.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x