fredag, april 26, 2024

Booliska oo wiilkan soomaaliga ah ku amaanay geesinimo.

Abdiraxmaan Maxamuud Cali oo loo yaqaan Cabdi ayay boolisku ku ammaaneen geesinimadiisa, ka dib markii uu badbaadiyey haweenay mindi lala dhacay.

Cabdi oo xilli dambe gurigiisa u socda ayaa isaga oo marayo meel u dhexeeysa Grünerløkka iyo Sagene maqlay cod ruux dumar ah oo ku qahlinaysa in la caawiyo.

Waxaan mooday dad iska ciyaaraya ayuu Cabdi u sheegay warbaahinta NRK. Laakiin qayla tii kabadan ayaa markan maqlay, waxaana meel god ah oo laga duso kasoo baxay nin, kaas oo xagiisa u soo orday.

Cabdi oo aaday halkii ay qayladu ka soo baxaysay ayaa la kulmay qof dumar ah oo dhaawac ah dhiigna ka daadanaayo .Cabdi ayaa markiiba booliska waxay, taasoo markii dambena lagu guulaystay in ninkii la qabto.

Booliska ayaa Cabdi ku ammanay howsha wanaagsan ee uu bulshada u qabtay. Waxeyna sheegeen inuu qeyb ka ahaa badbaadinta qof.

HOOS KASII AKHRI SHEEKADDA ABDI

Xigasho/kilde: Abdi roses av politiet for heltemot.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x