fredag, april 26, 2024

Bangiyada Norway oo la hordhigay Shuruudo adag.

Dowladda ayaa hordhigaysa bangiyada Norway shuruudo adag oo ku saabsan sidii ay suurto gal ugu noqon lahayd macaamiisha inay lacago caddaan ama kaash ah u dhigan karaan ulana bixi karaan.

in kasta oo lacag bixinta badideedu maanta ay tahay mid elektaroonik ah, haddana lacagta kaashka ahi ayaa leh door muhiim ah.

Dad badan oo waayeelku ka mid yihiin ayaa weli isticmaala lacag caddaan ama kaash ah.

In la helo karo lacagta kaashka ah ayaa iyana muhiim ah marka laga fekero xagga xaaladaha diyaar garoowga ama xiliga dhiillo colaadeed timaado, sidaasi waxaa yiri wasiirka maaliyadda Trygve slagsvod Vedum(SP).

Xukuumadda ayaa talaadadii soo saartay xeerar xusub oo ah in bangi kasta uu diyaariyo sidii macaamiisha ay suurto gal ugu noqon lahayd inay lacag dhigan karaan ama kala bixi karaan bangiga. Ama cid kale oo ay la galaan ballan ay arrintaas ku fuliyaan.

Xeerarkan ama shuruudahan ayaa dhaqan galaaya marka la gaaro 1.da oktoobar ee sannadkan.

Bangiyada Norway sannado badan waxay hoos u dhigeen habka lacag dhigashada ama qaadashada, iyagoo isticmaalay xal kale sida in dukaamada cuntada laga qaadan karo lacag kaash ah.

Warbixintan ayaa lagu sheegay shir jaraaid oo ay qabatay wasaaradda maaliyadda.

Xigasho/kilde: Norske banker får strengere krav knyttet til kontant-tjenester.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x