fredag, april 26, 2024

Bærum: Nin ku eedeysan dilka hooyadii oo ay boolisku xireen.

Habeenkii Talaadadda ee isbuucan, booliska ayaa guri kuyaal degmadda Bærum ee gobolka Viken ka helay meydka haweenay 60-meeyo jir ah oo la dilay. Booliska ayaana falkaas u qabtay nin ay boolisku da´diisa ku sheegeen Sodomeeyo jir.

Booliska ayaa war kooban oo ay soo saareen xalay fiidkii ku sheegay in ninka loo qabtay dilka haweeneydan uu yahay wiilkeeda. Waxeyna sheegeen in ninkan ay hadda ku eedeysanyahay dilka hooyadiis.

Shil gaari ayaa shakiga keenay:

Sida ay boolisku sheegeen ninka dilka ku eedeysan ayaa galay shil baabuur. Waxeyna booliska oo soo gaaray goobta uu shilkaas ka dhacay ka shakiyeen calaamado lagu arkau baabuurka uu ninka shilka ku galay, taas oo keentay inay xiriir la sameeyaan booliska Oslo.

Booliska ayaa wada-tashi kadib jabiyay oo gudaha u galay guri kuyaal magaaladda Bærum, halkaas oo loogu tagay meydka haweeneyda geeriyootay oo ah hooyadda ninka eedeysanaha ah.

Xigasho/kilde: Drapssaken i Bærum: Mann i 30-årene siktet for å ha drept moren sin.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x