søndag, mai 5, 2024

Wasiiradda cadaaladda: Waxaan UDI ku wargalinay isku diyaarinta qaabilaada dhowr kun qof oo reer Ukraine ah.

Wasiiradda cadaaladda dalkan Norway Emilie Enger Mehl (Sp) ayaa sheegtay in wasaaradeedu ay hey’ adda qoxootiga Norway ee UDI-da ay ku wargalisay isku diyaarinta qaabilaadda kumanaan kun oo qoxooti reer Ukraine ah kuwaas oo soo gaara dalkan Norway.

Hadalka wasiiradda ayaa kusoo aaday xili reysulwasaaraha Norway uu maalintii shaley aheyd sheegay in dowladda Norway ay magangalyo jamaaci ah( guud) oo kumeel gaar ah ay siin doonto dadka u dhashay dalka Ukraine ee qoxootiga ku noqda Norway.

“Taas macnaheedu waxa ay tahay dadka ka soo qaxaya Ukraine, aysan mari dooni hab qaadanaya waqti badan si ay u helaan gargaar iyo baadbaado degdeg ah markay Norway yimaadaan”, ayuu yiri ra’iisul wasaare Jonas Gahr Støre (Labor) oo shir jaraa’id la yeeshay wasiirka caddaaladda Emilie Enger. Mehl (Sp) Habeenkii Jimcaha.

Dowladda ayaa sidoo kale UDI-da ku amartay furitaanka xeryo qoxooti ah oo cusub, kuwaas oo lagu soo dhaweeyo dadka magangalyada usoo doontay Norway. Wasiiradda cadaaladda Emilie Enger ayaanse sheegin tiradda xeryaha qoxootiga ee dowladu ay rabto inay furto.

In ka badan hal milyan oo qof oo reer Ukraine ah ayaa sida la xaqiijiyay kasoo bara-kacay guryahoodii, waxaana la filayaa in tiradaas ay kor usii kacdo maalmaha soo socdo .

Wakiilka sare ee Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga ayaa ka cabsi qaba in shirka jaara’id ee Støre sabab u noqdo in malyuumad kale iney qaxaan. Ku dhawaad ​​300 oo Yukreeniyaan ah ayaa Norway horay u yimid, dowladduna waxay filaysaa kuwo kale oo badan. Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu ka cabsi qabaa inaan hadda wajahayno dhibaatadii bini’aadantinimo ee ugu darnayd ee Yurub soo marta tan iyo dagaalkii labaad ee aduunka.

Cadadka qaxootiga Norway kuso wajahan la garan mayo:
“Waxaan ognahay in qulqulka qaxootiga uu yahay mid aad u weyn, laakiin maanta ma garanayno tiradda inta qof Norway imaan doonta. Xaaladdu ma cadda wali, si joogta ahna wa mid isku soo taraysa. hadda munaasab ma aha in wax laga sheego inta halkan imaan doonta” ayee tiri Mehl.
“Waa inaan deeqsiyaal ahaana, waa inaan furfurnaanaa, laakiin sidoo kale waa inaan awoodnaa in aan xaladda si adag xakamayno” ayey ku daretey hadalkeeda Mehl. Wasiirka cadaalada ayaa tilmaamay in qulqulka qaxootiga uu saameyn ku yeelanayo guud ahaan Yurub. UDI-da ay hadda loo xilsaarey sameynta goobo badan oo lagu qaabilo dadka magangalyada doonka ah.

Xigasho/kilde: Mehl: Har bedt UDI gjøre klart for at flere tusen kommer til Norge.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x