søndag, mai 5, 2024

Warshada Nucleyrka Yurub ugu weyn oo xalay uu dab qabsaday.

Wararka ka imaanaya dalka Yukreyn ayaa sheegay in warshada ugu weyn ee samaysa curiyaasha nuclearka oo ku taalay magaalada Zaporizhzhia uu qeybo kamid ah warshadda dab ka kacay habeenimadii xalay.

Gubashada ayaa timid kadib markii is rasaasayn xoogan oo laysku adeegsaday hubka daran dooriga u dhaca ay dhex martay cidamada ruushka iyo kuwa Yukreyn ee ilaalada ka ahaa goobtaas habeenki xalay.

Sida masuuliyinta xaruntaas ee dalkaasi sheegeen, dabkiii ayaa hada lagu guuleystay in la damiyo, xaaladana gacanta ayaa lagu hayaa.

Gacan ku haynta xaruntaasna waxaa la wareegay oo hada gacanta kuhaya ciidamada dalka Ruushka sida la sheegay hada.

Video uu bartiisa warbaahinta soo dhigay madaxwaynaha dalka Yukreyn Volodymyr Zelensky ayaa ku eedeeyey dalka Ruushka dabka ka dhashay xarunta nuclearka, waxuuna sheegay in taarikhda inta la ogyahay Ruushku yahay dalkii ugu horeeyey ee xarun nuclear dab qabad siiya. Waa sida uu hadalka udhigaye.

Dhanka kale ra’iisul wasaaraha dalkan Norway Jonas Gahr Støre ayaa sheegay in Norway aad u cambaaraynayso ficilkaas.

Waxuu kaloo sheegay in ilaa hada aysan jirin wax walwal ah oo laga qabo in wax shucaac nukleyrka ah ay soo gaari karaan Norway, laakiin waxuu sheegay hadii shil dhaco in ay qaadan karto 48 saac inta ay Norway kusoo gaari karto.

Ra’iisal wasaaraha dalka Ingiriiska Boris Johnson ayaa isna Madaxwaynaha dalka Ruushka Putin ku ku eedeeyey weerarkaas, sheegayna in uu qaarada Yurub oo dhan uu khatar geliyey.

Duqa magaalada Enerhodar oo hoostimaada Zaporizhzhia ayaa ahaa qofkii ugu horeeyey ee bartiisa Telegraph soo dhiga warka ku saabsan dhacdadan, waxa uunu soo dhigay qoraal sheegaya: waxaa weerar lagu soo aaaday qaarada Yurub.

Dhanka kale hay’adda caalamiga ah ee quwada atoomikada aduunka, ayaa sheegtay in ilaa hada aysan waxba iska bedelin nidaamka shucaaca ee warshadaas, inta ilaa hada la diiwaangaliyay.

Waxay kaloo sheegeen inay si dhow ula socdaan arintaas, xiriirna la sameeyen madaxda dalkaasi, ayna ku war geliyeen in dabku uusan saamayn kuyeelan qalabka aasaasiga ah ee wax soo saarka warshada, iyo shaqaalaha fulinaya hawsha warshada si loo xadido khasaaraha.

Xigasho/kilde: Ukrainske myndigheter: Russiske styrker har tatt kontroll på Europas største atomkraftverk.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x