søndag, mai 5, 2024

Warbixin: Caruurta u dhashay Ruushka oo faquuqis iyo takoor kula kulmayo Norway.

Save the children ayaa heshay warbixino dhowr ah oo sheegaya in carruurta iyo dhalinyarada waalidkood ay Ruushka kasoo jeedaan ama asal ahaan ka soo jeeda Ruushka ay la kulmayaan faquuq iyo takoor ay kala kulmaan bulshada, kaas oo ka dhashay dagaalka Ukraine.
Monica Sydgård oo la hadashay wargayska Dagsavisen, madaxna ka ah hay’adda Save the Children, ayaa sheegtay in dhammaan dadka waaweyn – hadday yihiin waalid, macalimiin iyo waayeelba ay musuuliyad wayn ka saarantahay sida ay uga hadlayaan xaaladda Ukraine ka taagan. Gaar ahaana marka ay carruur ama dhalinyaro la joogaan iyo marka ay isticmalayaan baraha bulshada.


“Aad bay muhiim u tahay dadka waaweyn in ay ka fiirsadaan sida uga hadlayaan dadka kale ee asal ahaan ka soo jeeda dalalka ay colaaduhu ka jiraan, isla markasna ay ogyihiin in ay caruurtu ay wax badan maqlaan” ayuu tidhi Sydgård.

Norway, waxaa ku dhashay ku dhawaad ​​4000 oo qof oo leh waalidiin Ruush ah, iyo ku dhawaad ​​1000 qof oo waalidiintoodu asal ahaan kaso jeedaan Ukrain, sida ay laga so xigtey wakaalada tiro koobka Norway. Intaas waxaa dheer, dadka kaso jeeda wadamadaan kuwaaso ku nool ama ka shaqeeya Norway.

“Carruurta ruushka ah ee Norway ku nool iyo inta badan dadka u dhashey Ruushku masuul kama ahan eedaymaha dagaalka hadda socda. Dhallinyarada dalkan ku nool waa in aan lagu eedayn baraha bulshada, sidoo kale carruurta ku jirta dugsiyada Norway waa in aan loo qaban waxa ay faleen ama sameynayaan dad mamasuuliyiin ka ah wadamo kale”, ayay tiri.

Xigasho/kilde: Redd Barna: Russiske barn og ungdom i Norge hetses.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x