onsdag, mai 1, 2024

Waaxda canshuuraha(Skatte-etaten) oo ka digeyso dhac iyo tuugannimo.

Waaxda canshuuraha Norway e Skatte-etaten ayaa ka digeyso fariimo ay kooxo burcad ah u diraan dadka sanad walba marka la gaaro xiligan oo kale, oo ah xiliga ay dadku helaan waraaqda canshuur-celinta ee skatte-meldingen.

Waaxda ayaa fariin qoraal ah oo ay dadweynaha la wadaagtay ku sheegtay in kooxaha burcadda ah ay dadku u diraan fariimo loo ekeysiiyay inay ka socdaan skatte-etaten, ujeedkuna uu yahay in la helo xogta xogta, si ay u sahlahaanto in xogtiisa la dhaho ama wax lagu dhaco.

Kuwa wax dhacaa waxay baaraan e-mailada ama farriimaha qoraalka ah ee sms ka, waxayna dadka weydiiyaan in ay lifaaqa gujiyaan si ay uga helaan warbixinno xasaasi ah oo marka dambe loo isticmaalo dhac iyo tuugannimo.

Ragna Fossen oo madax ka ah waaxda canshuuraha ayaa tiri kuma soo dirno lifaaq aan sugnayn e mail ama farriin qoraal ah, mana weydiinno bangiga ama macluumaad sugidda dhaqaalaha ah, iska ilaali yaan lagu khiyaamin , tani waa dhac iyo tuugo.

Farriinta canshuur celinta ayaa la soo dirayaa 16 mars ila 4ta april inta u dhexeeysa, kuwa dhaca raadiyaana xilligaa ayeey sannad walba isku soo beegaan.

Marka canshuurtaadu diyaar tahay e-mail ayaan kuu soo diraynaa waana inaad gasho skatteetaten.no adigoo ku gelaaya «Minside» ayeey tiri Fossen.

Haddii shaki kaa galo in warbixintu sax tahay gal bogga skatteetaten.no oo halkaa ka sii gal boggaaga ayeey inagu sii dhiirri gelisay.

Xigasho/kilde: Skatteetaten advarer mot svindel.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x