søndag, mai 5, 2024

Sweden iyo Finland oo raba inay wada-shaqeyn milatari oo dhow la yeeshaan Nato.

Wixii ka horeeyay dagaalkii uu dhawaan Ruushku ku qaaday dalka Ukraine, dadweynaha kunool dalalka Sweden iyo Finland ayaan taageero xoogan u heyn jirin ku biiritaanka dalalkooda ee ururka NATO. Balse isbuuc kadib markii uuu dagaalkaas bilowday, waxaa gabi ahaanba isbadalay fikirka ay dadweynaha kunool labadaas dal ee Ruushka dariska la ah ay ka qabaan ururka Nato, waxeyna hada taagero xoogan u muujinayaan xubin kamid noqoshada Nato.

Ra\ yi uruurin dhawaan laga sameeyay dadweynaha Sweden ayaa lagu soo bandhigay in wax ka badan 50% dadweynaha kunool dalkaas ay rabaan in Sweden ay ku biirto Nato. Halka ra\ yi uruurin midaas oo kale ah oo laga sameeyay Finland ay muujineyso in dadweynaha dalkaas ay taageero xoogan u muujinayaan ku biiritaanka Nato.

Finland & Sweden: Waxaan rabnaa inaan si dhow ula shaqeyno Nato.

Reysulwasaarayaasha dalalka Sweden iyo Finland oo maanta si wadajir ah u qabtay shir jaraa\ id ayaa sheegay inay rabaan in ay wadashaqeyn dhow ay la yeeshaan ururka Nato, kadib markii uu isbadal weyn ku yimid xaaladda amni ee gobolka. Wadashaqeynta ay sheegeen ayaa waxaa kamid ah qeybsiga macluumaadka amni iyo mida sirdoon, si heegan loogu jiro xaaladdaha amni ee soo kordhi karo.

Labadan reysulwasaare ee hogaamiya dalalka dariska la ah Ruushka ayaa sheegay in sidoo kale ay xoojinayaan wadashaqeynta dhexdooda ah, si ay u noqdaan cudud iskaashi oo hal qorshe oo difaac leh.

Xigasho/kilde: Finland og Sverige vil styrke samarbeidet med Nato

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x