onsdag, mai 1, 2024

Støre: Qoxootiga Ukraine waa inay sida ugu shaqsiyaha badan ay shaqo ku helaan + 4 qodob oo kale.

Reysulwasaaraha dalkan Norway Jonas Gahr Støre ayaa sheegay in dowlada Norway ay isku diyaarineyso soo dhaweynta qoxootiga reer Ukraine ee Norway soo gaarayo. Reysulwasaaraha ayaana dadka reer Norway ka codsaday inay ka qeybqaataan soo dhaweynta loo fidiniyo qoxootiga reer Ukraine ee dalkan soo gaarayo.

Jonas ayaa soo bandhigay shan qodob oo dowladda Norway ay sameyn doonto, si loo soo dhaweeyo qoxootiga reer Ukraine ee Norway soo gaaraya.

  • Dhamaan qoxootiga reer Ukraine waxey heli doonaan goobo amni ah oo ay degaan, marka ay Norway soo gaaraan.
  • Caruurta reer Ukraine ee Norway soo gaara, waxey horeyba ka bilaabi doonaa waxbarasho marka ay wadanka soo gaaraan, Waxeyna wax la baran doonaan caruurta ay isku da’da yihiin ee reer Norway.
  • Ardeyda jaamacaddaha ka dhigan jiray Ukraine, waxey waxbarashadooda kasii wadan karaan jaamacaddaha Norway.
  • Dhamaan dadka reer Ukraine ee waaweyn, waxey sida ugu dhaqsiyaha badan u heli doonaan shaqo iyo goobo shaqo oo ay ka shaqeystaan.
  • Degmooyinka Norway ee soo dhaweeya qoxootiga reer Ukraine, waxey dowladu ku siin doontaa lacag.

Reysulwasaaraha ayaa dhanka kale sheegay in dowladda Norway ay diyaarisay ilaa 5 bilyan kr oo loogu tala-galay arrimaha la xiriira qoxootiga reer Ukraine. Waxaana la filayaa in ilaa 30.000 qof oo qoxooti reer Ukraine ah ay Norway soo gaaraan.

Xigasho/kilde: Støre sier at barn fra Ukraina skal kunne gå på skole og barnehage.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x