onsdag, mai 1, 2024

Sicirka shidaalka oo maanta 27 kr gaaray: Wuu sii qaaliyoobi karaa.

Qiimaha shidaalka Norway ayaa magaalada Tromsø maanta gaaray 27 kr, halka meelo badan oo Oslo ay kamid tahay uu qiimaha shidaalku gaaray 26 kr calaa literkii. Khubaradda ayaa aaminsan in qiimaha shidaalku uu gaari karo 30 kr maalmaha ama isbuucyadda soo socdo.

Sababta keentay kor u kaca qiimaha shidaalka ayaa ah xayiraadda ay dowladaha Yurub kusoo roogeen dhoofka shidaalka Yurub uga imaada Ruushka. Waxaana intaas dheer canshuuraha kala duwan ee dowladda Norway iyo maamullada degmooyinku ay kusoo rogaan shidaalka lasoo dhoofiyo dalalka dibadda ah.

Qiimaha shidaalka ayaa wuxuu ku xiranyahay qiimaha saliida qeyriin oo aad kor ugu kacay maalmihii ugu danbeeyay. Arrintaas ah oo saameyn toos ah oo ka dhalatay dagaalka Ruushka iyo Ukraine ee wali socda. Ruushka ayaa ah mid kamid ah ilaha ugu waawen ee dalalka Yurub ay ka helaan shidaalka iyo gaaska qeyriin.

Øystein Foros oo ah macalin katirsan jaamacadda dhaqaalaha Norway ayaa sheegay in qiimaha shidaalka aduunku uu kor u kacay maalmihii ugu danbeeyay dalal Yurub oo dhan. Arrintaas ay xiriir la leedahay dagaalka dalka Ukraine, iyo cuno-qabateynta dhaqaale ee EU-da iyo mareykanku uu saaray Ruushka. Uuna aaminsanyahay in shidaalku uusan wali gaarin qiimihii ugu sareeyay, ayna dhici karto inuu qiimuhu wali kor u kici karo maalmaha soo socdo.

Intii uu socday dagaalka Ukraine iyo ruushka, waxaa sidoo kale kor u kacday qiimaha korontadda Norway iyo dalalka kale ee Yurub.

Xigasho/kilde: Skyhøye dieselpriser flere steder – eksperter venter ytterligere stigning.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x