søndag, mai 5, 2024

Sababtan ayay xilkeedii ku weyday wasiiradii shaqadda Norway oo is casishay.

Wasiiradii shaqada iyo arrimaha bulshada Norway Hadia Tajik oo xisbiga shaqaalaha (Ap) katirsan ayaa iska casishay xilkeedii wasiirnimo, kadib markii ay wasiiraddu qarisay inay guryo ay iyada kireysatay ay sii kireysay, lacag kiro ahna ka qaadaneysay, xili ay dhanka kalena dowlada ka heshay guri bilaash ah oo kiradiisa ay dowladu bixiso.

Wasiiradda ayaa sheegtay inay xilkeeda uga dageyso qalad ay sameysay 15 sano kahor, xili ay aheyd 23 sano jir la taliye ah oo katirsan xukuumadda. Waxeyna sheegtay in mugdi uu soo galisay howsheeda wasiirnimo iyo kalsoonida ay bulshada ku qabi karaan, sidaas darteed ay dooratay inay iyadu xilka baneyso.

Hadia Tajik oo ayaa wargeyska VG u sheegtay inay kiro ka qaadaneysay labo(2) guri oo kuyaal Stavanger, xili ay degeneyd guryahaya ay dowladu siiso dadka xukuumadda katirsan ee kasoo deegaamadda Oslo ka fog. Wasiiradda ayaa sheegtay inay guryaha ka heleysay lacag kiro ah oo kala ah 8.500 kr iyo 10.500 kr, taas oo marka laga jaro qarashaadka ku baxa guryaha ay ka heleysay xoogaa faa´iido ah.

Isla xiliga ay wasiiraddu labadda guri kirada ka qaadaneysay, ayna ku nooleyd guriga ay dowladu bixiso ee bilaashka ah, waxey Hadia degeneyd guriga aabaheed iyo hooyadeed oo aysan wax kiro ah ka bixin jirin. Iyada oo markaas sheegtay inay kiro bixin jirtay, si ay canshuur dhaaf u hesho.

Xigasho/kilde: Tajik fikk penger fra utleie mens hun hadde gratis pendler-bolig.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x