søndag, mai 5, 2024

Putin: Cuno-qabateynta dhaqaale, waxey nooga dhigantahay dagaal nalagu iclaamiyay.

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden oo xalay khadka telefoonka kula hadlay madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelensky ayaa sheegay, in xukumadiisu ay Aqalka Koongareeska si dhaw ugala shaqeyneyso sidii lacago dheeraad ah loogu diri lahaa Ukraine.

Biden ayaa mar kale ku celiyay sida Mareykanka ay uga go’antahay in uu dhan walba ka taageero dadka iyo dowladda Ukraine, isaga oo ammaanay sida geesinimada leh ee ay ciidamada iyo shacabka Ukraine isaga caabbinayaan ciidamada ku soo duulay ee Ruushka.

Dhanka kalana, madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa Sabtidi ka digay in qarannimada Ukraine ay ku jirto xaalad halis ah, isaga oo cuna-qabateynta ay reer Galbeedku saareen Ruushka la barbar dhigay sida dagaal la iclaamiyay oo kale.

Magaalada Maiupol ayaa wali ku jirto xaalad go’doon ah, kaddib marki ay Ruushku sii amba-qaadeen Sabtidii duqeymaha dhanka cirka ah ee ay maalmahan ku wadeen, waxyar kaddib marki ay burburtay xabad-joojin ay Ruushku ballan-qaadeen.

Dagaalka oo Axadda maanta ah galay maalintiisii 11-aad, ayay ciidanka Ruushku wali sii wadaan duqeymaha ay ku hayaan magaalooyinka waaweyn, hase yeeshee wali ma jirto magaalo weyn oo ay qabsadeen marka laga reebo magaalada Kherson.

In ka badan 1.4 milayn oo ruux ayaa la xaqiijiyay in ay ka qaxeen colaadda Ukraine.

Xigasho/kilde: VOA-SOMALI.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x