søndag, mai 5, 2024

Norwiiji badan oo is diiwaangaliyay, si ay Ukraine uga dagaalamaan.

Sida uu NRK kasoo xigtay safiirka dalka Ukraine ee Norway, waxaa safaaradda Ukraine ee Norway xiriir soo sameeyay tobanaan qof oo Norwiiji ah, kuwaas oo raba inay ka dagaalamaan dalka Ukraine.

Viacheslav Yatsiuk oo ah safiirka dalka Ukraine ee Norway ayaa xaqiijiyay inay jiraan dad badan oo Norwiiji ah, kuwaas oo codsaday inay ka dagaalamaan dalka Ukraine, kadib marka ay arkeen sida ay xaaladda dalkaas ka taagan hada tahay.

Safaaradda Ukraine ayaa sidoo kale xaqiijisay in dadka xiriirka soo sameeyay lagu xiray hey´addaha saxda ah ee dalka Ukraine ee ka dhisan ee ka shaqeynaya soo daabulida dad raba inay si mutadawacnimo ah uga garab dagaalamaan ciidanka Ukraine.

Volodymyr Zelenskyj ayaa horey dhamaan dadyawga caalamka, gaar ahaan kuwa Yurub kunool ee leh khibradda dagaal, inay soo gaaraan dalkaas, ayna ka qeybqaataan difaacista dalka Ukraine ee duulaanka uu kusoo qaada Ruushku.

Reysulwasaaraha Norway Jonas Gahr Støre ayaa horey dadka raba inay ka dagaalamaan Ukraine ka codsaday inay go´aankaas aad uga fakaraan, kahor inta aysan ku dhaqaaqin fulintiisa.

Xigasho/kilde: – Nordmenn vil kjempe i krigen i Ukraina

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x