søndag, mai 5, 2024

Norway oo gantaalo u daabuleyso Yukreyn xili ruushku u digay dalalka hubka udiraya Yukreyn maalmihii lasoo dhaafay.

Dowlada Norway ayaa maanta u daabushay hub casri ah oo ay ugu talo gashay inay ku caawiyaan ciidamada Yukreyn ee iska caabinta kula jira ciidamada ruushka ee isbuucii lasoo dhaafay weerarka kusoo qaaday dalkaas.

2000 oo qori oo ah nooca taangiyada burburiya ah ayaa maanta laga saaray diyaarad garoonka diyaaradaha ee Gardermoen ee kabaxsan magaalada caasimada ah ee Oslo.Sida uu sheegay sarkaal sare oo katirsan ciidamada difaaca Norway laguna magacaabo Remi Jakobsen wargayska VG. Lama sheegin meesha laga dejinayo laakiin waxay ku dambayn doonaan dalka Yukreyn oo ciidamada dalkaaas lagaadh siin doonaa.

Dawlada Norway ayaa isniintii lasoo dhaafay go’aamisay in hub loo diro dalka Yukreyn, iyadoo meesha laga saaray xeer soo jireen ahaa oo soo baxay 1959, kaas oo dhigayey in hub dalkan Norway lagu sameeyo aan loo dhoofin karin dal kale oo uu dagaal ka socdo.

Hubkan dowlada Norway u dhoofinayso dalka Yukreyn ayaa ah hub isticmaalkiisu aad u fududyahay, aana ubaahnayn wax tababar ah oo dheeraada ah. Kaas oo ciidamada dalka Yukreyn ka caawin kara inay si fudud u isticmaalaan si ay iskaga caabiyaan taangiyada dalka ruushka iyo gaadiidka kale ee dagaalkaba.

Dalalka USA, Storbritannia, Danmark, Sverig iyo dalal kale oo yurub ah ayaa iyaguna hub aad u fara badan ku daabulayo dalka Yukreyn.

Dawlada Sweden oo xad Laleh Ruushka aheydna dal dhex dhexaad ah kuna jirin ururka NATO ayaa iyaguna Ukraine u dira 5000 oo qoryaha taangiyada dalka Norway samayso ah iyo hub kale, dalka Yukreyn, taas oo meesha kasaaraysa dhex dhex dhexaadnimadii lagu yaqaanay dalka Sweden ee soo jireenka ahayd.

Dawlada Norway ayaa maalmihii lasoo dhaafay safka hore kaga jirtay dalalka sida xoogan uga hor yimid dagaalka Ruushku ku qaaday dalka Yukreyn, iyada oo qayb ka ahayd dhamaan talaabooyinkii dalalka yurub qaadeeen si looga hortagi weerarka Ruushka.

Lama garanayo xaaladahan kasoo cusboonaaday dalalka Yurub ee nabada kunaaaloonayey qarnigii lasoo dhaafay meesha ay kudambayn doonto xaaladoodu, waxaana jira walaacyo badan oo laga qabo in xaaladu markasta isbedeli karto, dhan amni, dhaqaale iyo xiriir bulshaba.

Xigasho/kilde: Norske raketter pakkes for Ukraina: − Gir forsvarerne mer å spille på.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x