søndag, mai 5, 2024

Norway: Muwaadiniinta udhashay Ukraine waxay Norway imaan karaan Viso la´aan.

Dagaalka ka socda dalka Yukreyn ayaa sababay barakac aad u wayn , waxaan lasoo tabinayaa in dad badan oo u dhashay ay naftooda lacararayaan, kana gudbayaan xaduudaha ay Yukreyn la wadaagto dalalka reer Yurub. Halka qaar badana wali aysan u suuro gelin inay ka baxaan Yukreyn, maadaama hawada dalkaas iyo garoomadda diyaaaraduhu xiran yihiin.

Sida Qaramada Midoobay sheegtay dad ku dhow nus milyan qof, ayaa ilaa hada gaaray wadamada deriska la ah Yukreyn ee reer Yurub.

Dadka ugu badan ee dhintay ayaa kudhintay qaraxyada iyo hubka culus ee kasoo dhacaya qoryaha waawayn iyo madaafiicda ay soo ridayaan ciidamada Ruushku.

Dadka ugu badan ee ilaa hada qaxay ayaa gaaray wadamo kamida midawga Yurub sida Poland.

Midowga Yurub ayaa hada qiimaynayo sidii dadka kasoo bara kacaya Yukreyn ay uheli lahaayeen sharci u ogolaanaya ilaa sadex sano ay ku noolaan karaan, ugana shaqeysan karaan dalalka EU-da iyada oo aan lagu xirin wax dal ku gal(Viso) iyo sharci degenaansho ah midna.

Hore muwaadiniinta kasoo jeeda Yukreyn waxaa loo ogolaaa inay kusoo galaan dal ku gal la,aan wadamada midowga Yurub iyo Schengen kuwa ku midaysan, kuna noolaan karaan 90 ilaa 180 maalmood oo kali ah.

Maalmihii dagaalku bilawday hay’ada soo galootiga dalka Norway ee UDI ayaa sheegtay inay muwaadiniinta u dhashay Yukreyn ee uu ka dhacay xiliga dal ku jooga ama visaha, ay sii joogi karaan Norway.

Hadana war kale oo kasoo baxay Hey´adda UDI-da ayaa lagu sheegay in dadka u dhashay dalka Ukreyn aysan u baahneen wax sharci dal ku gal ah( Viso), marka ay soo galayaan dalkan Norway.

Xigasho/kilde: Ukrainske borgere får komme til Norge uavhengig av visumstatus.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x