onsdag, mai 1, 2024

Meydka haweenay laga helay guri kuyaal Oslo iyo ninkeeda oo falkan loo qabtay.

Waxaa maanta oo isniin ah galinkii hore guri kuyaal xaafadda Manglerud ee magaalada Oslo laga helay meydka haweenay 30-meeyo jir ah. Booliska ayaa falkan u qabta ninka qabay haweeney.

Sida ay boolisku sheegeen ninka la qabtay ayaa soo wacay booliska, isaga oo ku wargaliyay dhimashada xaaskiisa. Waxeyna sheegeen markii ay guriga tageen in boolisku la kulmeen ninka la qabtay oo booliska sugaya, isaga oo lagu xiray goobtaas si dhibaato la´aan ah.

Booliska ayaa sheegay in ninka la qabtay uu heysto dhalashada dalkan Norway.

Laamaha booliska ayaan wali wax faah-faahin ah ka bixin dhacdadan, marka laga reebo inay sheegeen in boolisku ay wali wadaan baaritaanka arrintan. Iyaga oo sheegay inaan wali la qeexi karin sababta ka danbeysa falkan iyo waxa ku dhaliyay in ninkan uu dilo xaaskiisa.

Xigasho/kilde: Kvinne i 30-årene funnet drept på Manglerud – ektemann siktet.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x