onsdag, mai 1, 2024

Madaxweynaha Ukraine oo u digay Norway iyo Yurub: Idinkaa nagu xigi doono.

Madaxweynaha dalka Ukraine, Volodymyr Zelenskyj, ayaa mar kale dalab uu ku dalbanayo in laga gacansiiyo dagaalka uu dalkiisu kula jiro Ruushka u diray dalalka Yurub. Wuxuuna ka codsaday inay u baahanyihiin taageero ciidan oo dhab ah, intii ay usoo diri lahaayeen hub, dhaqaale, qalab ama daawooyin oo kali ah.

Wali waan joojin karnaa dagaalkan socdo, waxaan kahortagi karnaa dilka dadka dhimanayo. Wey fududahay marka aan arrintaas aan iska kaashano, ayuu ku sheegay Zelenskyj khudbad uu maanta jeediyay.

Madaxweynaha Ukraine ayaa sii raaciyay in hadii aysan dalalka Yurub gacan dhab ah ka siin dagaalka Ruushka, ay iyagu ku xigi doonaan. Wuxuuna sheegay in dhamaan dalalka Yurub, sida Norway oo kale ay yihiin bartilmaameed uu maalin uun ruushku usoo jeedsan doono.

Kuligeen waxaan bartilmaameed u nahay ruushka. Na caawiya oo gacan na siiya, si aad idinku isku caawisaan. Ayuu yiri madaxweynaha uu marar badan dalalka Yurub ka codsaday, una jilbo-dhigtay inay lasoo gaaraan taageero ciidan oo uu dalkiisa uga difaaco duulaanka uu ruushku kusoo qaaday.

Ilaa hada dalalka reer Galbeeedka oo uu Mareykanku u weynyahay ayaa ka war-wareegayo inay taageero ciidan oo weyn ay siiyaan Ruushka. Ayaga oo arrintaas ku micneeyay inay toos u bilaabi karto dagaalka sadexaad ee aduunka, oo noqon karo mid la isku adeegsado hubka wax gumaadda ee Nukleyrka.

Dalalka reer galbeedka ayaa dagaalkooda Ruushka ku koobay cuno-qabateyn dhaqaale oo aad u daran oo ay saareen dowlada Ruushka, shirkaddaha dalkaas laga leeyahay iyo ganacsatadda dalkaas u dhalatay, gaar ahaan kuwa ka agdhow madaxweynaha Ruushka.

Xigasho/kilde: Zelenskyj advarer Norge og Europa: – Vi er alle russiske mål.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x