onsdag, mai 1, 2024

Madaxa Nato oo iska casilay shaqadii la siiyay ee Gudoomiyaha baanka dhexe ee Norway: Nato ayaa iga codsatay.

Reysulwasaarihii hore ee Norway, hadana ah madaxa ururka gaashaan-buurta Nato ayaa iska casilay xilkii dhawaan loo dhiibay ee gudoomiyaha bankiga dhexe ee Norway. Jens ayaa sheegay in dalalka xubnaha ka ah Nato ay ka codsadeen inuu sii wato xilka xoghayaha ururka Nato, maadaama lagu jiro xaalad adag oo hubinti la\ aan amni ay ka jirto dalalka Yurub.

 Ida Wolden Bache oo aheyd qofkii horey shaqada gudoomiyaha Baanka dhexe ee Norway kula tartamay Jens ayaa hada la wareegtay xilka gudoomiyaha bankiga dhexe ee Norway, waxeyna xilkaas sii heyn doontaa lixda(6) sano ee soo socoto.

Jens ayaa sheegay in shaqada gudoomiyaha bankiga dhexe ee Norway ay aheyd shaqo uu ku riyoon jiray, uuna ku faraxsanaa inuu shaqadaas la wareego marka uu ka dhamaado xilka Nato, balse ay soo korortay xaalad cusub oo qasab ka dhigtay inuu mar kale fakaro. Isaga oo sheegay in hogaaminta Nato ee xiligan xasaasiga ah iyo xal u helida xaaladda amni ee taagan, ay noqon doonto mid kamid ah shaqooyinkii ugu muhiimsanaa ee uu qabto noloshiisa.

Xigasho/kilde: Stoltenberg trekker seg: Ida Wolden Bache blir sentralbanksjef i seks år.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x