onsdag, mai 1, 2024

Listhaug: Ukraine-niyiintu waa in maalinta koowaadba ogolaansho shaqo la siiyaa Norway.

Gudoomiyaha xisbiga Frp, aheydna wasiiraddii caanka aheyd ee soo galootiga Norway ayaa sheegtay inay rabto in dowlada Norway in marka ay wadanka soo galaanba horey ogolaansho shaqo laga siiyo qoxootiga u dhashay dalka Ukraine ee Norway soo gaara. Hadalkan ayay Listhaug ka sheegtay shirweynaha xisbigeeda Frp.

Listhauug ayaa sheegtay: Waa qalad in qoxootiga Ukraine u dhashay loo diro labo sano barnaamijka introduksjonsprogram-ka, kaas oo markii horeba loo sameeyay in dadka lagu dhexgaliyo qoxootiga dalalka kale ee caalamka kasoo jeedo. Waa inaan masuuliyad iska saarnaa in qoxootiga Ukraine ay maalinta koowaadba ay Norway soo galaan ay helaan ogolaansho ay ku shaqeysan karaan.

Gudoomiyaha Frp ayaa dhanka kale sheegtay in Norway ay joojiso qoxootiga ay kasoo qaadaneyso dalalka ee caalamka, ayna qoxootiga lasoo qaadanayo u wareejiso qoxootiga reer Ukraine ee ka qaxay dagaalka dalkooda ka socdo.

Waa inaan dhamaan awoodeena banaan isugu geynaa qoxootiga reer Ukraine. Qaar badan oo kamid ah waxey ku hadlaan Ingiriis, waxeyna kasoo jeedaan dal heysto nidaam qoxooti oo wanaagsan. Dhaqankooda wuxuu aad ugu dhowyahay kan Norway, ayay sii raacisay Listhaug.

Wasiiraddan oo caan ku aheyd hadaladda adag oo ka dhan soo galootiga ayaa sheegtay ineysan shaki ku jirin in dad badan oo Ukraine u dhashay ay dib ugu noqon doonaan dalkoodii, si ay uga qeybqaataan dib u dhiskiisa.

Xigasho/kilde: Listhaug: – Ukrainere må få arbeidstillatelse fra dag én.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x