onsdag, mai 1, 2024

Koox isku deyday inay kaarka aqoonsiga ( ID) ka iibsato askar Norwiiji ah.

Koox askar Norwijiyaan ah oo ku sugnaa goob lagu caweeyo taas oo kutaal gudaha magaalada Troms ayaa waxa lasoo xiriiray dadka rabay inay 20,000 askartaas uga gataan kaararkooda aqoonsiga “ID-kort” ciidanka. Dadka dalabkaN iibka ah askarta qaarkood u oo bandhigey ayaa waxa ay ku hadlayeen luqadda Ingiriiska, sida uu qoray NRK.
“Waxa ay lahaayeen lahjad aad mooddo inay ka yimaadeen Yurubta Bari”. Eirik Skomedal ayaa sidan u sheegay muuqaal-baahiyaha NRK. Errik ayaa ah afhayeenka ciidanka.

Skomedal ayaa sidoo kale sheegay in askarta dalabkan loo bandhigay inay yihiin askar kujirto shaqada qaranka ee tababarka ciidanimo.

Waxa uu aaminsan yahay in laga yaabo in ay arintaan xiriir la leedahay dhoolatuska ciidan ee Xiligan norway ka socda, ayna qeyb ka yihiin dalal dhowr ah oo Nato ah. Dholatuskaan ayaa socon doono ilaa 1-da bisha Abriil.


Arrintan ayaa sidoo kale lala xiriirinayaa dagaalka ka socdo Ukraine, xili dad badan oo aan ciidan horey u ahaan jiray ay sheegayaan inay rabaan inay ku biiraan, qeynba ka noqdaan dagaalka looga soo horjeedo Ruushka.

Xigasho/kilde: Noen prøvde å kjøpe ID-kort fra norske soldater.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x