onsdag, mai 1, 2024

Dowlada oo sii dheereysay mudadda dadka danyarta ah laga taageerayo biilka korontada.

Qiimaha korontada ayaa kor u sii kacayo, waxaana loo aanaynayaa dagaalka ka socda ukraine. Xukuumadda ayaa mudda kordhin ku samaynaysa caawintii kumeel gaarka ah ee dowladu ay horey u iclaamisay inay dadka danyarta ah ka taageereyso biilka korontada. Waxaana caawintaas ay sii socon doontaa muddo hal sano oo dheeri ah oo ku dhamaato bisha Maarso ee sanadka 2023.

Dowladda ayaa hadda bixisa 80% qiimaha dheeriga ah ee korontada, taas oo ah in marka sicirka kiilowaatku kor u dhaafo 70 øre ay dowladu qofka ka caawineyso bixinta biilka korontada. Taageerista biilka korontada ee dadka danyarta ah ayaa soo socotay tan iyo bishii Desember ee sanadkii laso dhaafay.

Waa in dadka la siiyo xasillooni taa soo ah in laga dul qaado culayska sicirka korontada ee cirka isku shareeray, sidaas waxaa wakaaladda wararka ee NTB u sheegay Terje Lien Aasland oo ah wasiirka shidaalka iyo tamarta.

Arrintan ayuu Aasland kala hadlay wasiirka dhaqaalaha. soo jeedintan ayaa hadda loo dirayaa wada tashi ahaan iyo in la lafa guro kadibna barlamaanka ayaa la horgeynayaa.

Ilaa hadda lama oga inta uu kharashku ku noqonayo xukuumadda ayuu yiri wasiirka dhaqaaluhu, waxuuse rajeeynayaa in korontadu hoos u dhacdo.

Caawintan ayaa khusaysa si gaar ah bulshada rayadka ah sidoo kale wax soorka beeraha iyo xoolo dhaqatada.

Sicirka korontada ayaa laba laabmay usbuuxii la soo dhaafay.

Xigasho/kilde: https://www.klartale.no/norge/2022/03/10/du-far-stotte-til-stromregningen-i-ett-ar/.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x