søndag, mai 5, 2024

Dowlada oo rabta in qaadashada kaarka aqoonsiga loo fududeeyo ajaaniibta sharciga ku heysto Norway.

Dadka Norwiijiga ah ama heysta dhalashada Norway, waxey sanad kahor heleen kaar aqoonsi( Nasjonalt ID) oo muujinayo muwaadinimadooda Norway, kaarkaas oo u sahli karo inay si fudud u cadeeyaan qofka ay yihiin marka ay joogaan gudaha Norway ama dalalka kale ee dariska ah. Kaarkaas ayaa sidoo kale xaaladdaha qaarkood badal u noqon kara baasaboorka.

Bal fursadaas ay heysteen dadka Norwiijiga ah ama heysta dhalashada Norway, ayaa waxaan helin boqolaal ajaaniib ah oo Norway kunool. Kuwaas oo caqabado ay ka heystaan muujinta aqoonsigooda shaqsiyeed, waxeyna xaaladdaha qaarkood ku qasabtaa inay marka kasta jeebka ku wataan baasaboor ama kaarka degenaanshaha.

War kasoo baxay wasaaradda cadaaladda Norway ayaa lagu sheegay in dowladu ay rabto in qaadashada kaarka aqoonsiga loo fududeeyo dadka ajaaniibta ah ee Norway kunool, sharcigana ku heysto. Arrintaas ayaa hadii dhaqan-gasho, waxey nolol maalmeedka iyo socodka u u fududeyn doontaa ajaaniib badan oo xiligan ay dhibaato ka heysato cadeynta aqoonsigooda shaqsiyeed iyo socdaaladda gaagaaban.

Erik Idsøe oo wasiiro dowle ka ah wasaaradda cadaaladda ayaa sheegay in ajaaniib badan oo Norway qaab sharci ah ku joogo, qaarkoodna ayba wadanka ku leeyihiin degenaansho rasmi ah, ay u baahanyihiin kaar aqoonsi oo muujinayo numberkooda dhalashada iyo inay Norway sharci ku joogaan. Wasiiru dowlaha ayaa sheegay in kaarka aqoonsiga uu dadka u fududeyn karo inay si fudud u cadeeyaan qofka ay yihiin, marka uu qofku heysto waxyaabaha caadiga ah ee nolol maalmeedka ah.

Qorshahan ay dowladu soo jeedisay ayaa khuseeyo dadka ajaaniibta ah ee Norway ku heysto sharci shaqeynayo wax ka badan sadex(3) bilood.

Wasaaradda cadaaladda ayaa hindise sharciyeed arrintan ku saabsan u dirtay baarlamaanka Norway.

Xigasho/kilde: Vil gi utenlandske statsborgere rett til nasjonalt ID-kort.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x