torsdag, april 25, 2024

Dowlada oo joojineyso baaritaankii corona ee bilaashka ahaa xiliga bixitaanka safarka.

Hadii u baahato inaad iska qaado baaritaanka feyruska corona, si aad u hesho cadeynta inaadan xanuunka qabin, waa inaad wixii hada ka danbeeyo bixisaa lacag, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay wasaaradda caafimaadka Norway. Baaritaanka uu qofku iska qaado xiliga safarka, ayaa hada wixii ka horeeyay ahaa bilaash ama lacag la´aan. ¨

Kaaliyaha agaasimaha waaxda caafimaadka, Espen Nakstad ayaa sheegay in qofkii aan isku arkin tilmaamaha xanuunka ee raba inuu maro baaritaanka Corona sababo la xiriiro safar uu dibadda ugu bixi, aysan dowladu bixin doonin qarashka ku baxa baaritaankaas. Uuna qofku ku qasbanyahay inuu lacag bixiyo, si baaritaankaas looga qaado.

Nakstad ayaa sheegay in awooda dowlada ee dhanka sheybaaradda baaritaanka corona, ay tahay mid xadidan, sidaas ay muhiim tahay in lakala saaro dadka baaritaanka u baahan si ay u safran, iyo dadka isku arkay tilmaamaha xanuunka.

Xigasho/kilde: Nå må du betale for koronatest før utenlandsreisen.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x