onsdag, mai 1, 2024

Degmooyinka Norway: 20.000 kun oo qoxooti ah ayaan qaabili karnaa.

Wixii ka horeeyay weerarkii uu Ruushku ku qaaday Ukraine, degmooyinka Norway ayaa sheegay inay ugu badnaan sanadkan 2022 dib u dajin u sameyn karaan 5500 qof qoxooti ah. Balse intii uu bilowday dagaalka Ukraine, ayna soo bateen qoxootiga reer Ukraine ee Norway soo gaarayo, waxaa dhowr mar jibaarmay tiradda qoxootiga la fili karo ina sanadkan Norway soo gaaraan.

Tirokoob cusub oo dhawaan ay sameysay hey´adda dib u dajinta iyo soo dhaweynta soo galootiga ee IMDI, ayaa lagu sheegay in 298 degmo oo kamid ah degmooyinka Norway ay sheegeen inay sanadkan soo dhaweyn iyo dib u dajin u sameyn karaan isku dar 20.000 kr oo qoxooti ah. Tiradaas oo aad ugu badan tiradii ay degmooyinku soo gudbiyeen bilo kahor.

7 degmo oo kali ah ayaa sheegay inaysan awood u laheyn inay xiligan soo dhaweyn iyo dib u dajin u sameeyaan dad qoxooti ah.

Degmooyinkan ayaa sheegay inay qoxootigaas u heli karaan meel ay degaan, meelo ay wax ka bartaan, meelo looga fidiyo adeegyada aas-aasiga ah ee ay u baahdaan, goobo shaqo iwm.

Libe Rieber-Mohn oo ah madaxa hey´adda iMDI ayaa sheegtay inay aad ugu faraxsantahay jawaabta ay hey´addu ka heshay degmooyinka, iyada oo talaabadda xigtana ay noqon doonto in degmooyinka loo qeybiyo qoxootiga imaado.

Marte Mjøs Persen oo ah wasiirka shaqadda iyo isdhexgalka ayaa sheegtay in dowladda dhexe ay diyaar la tahay inay degmooyinka ku taageero dhamaan wixii ay u baahdaan ee ku saabsan soo dhaweynta iyo dib u dajinta dadkaas. Waxeyna sheegtay in dowladu ay dhaqaale iyo nidaam kale uu degmooyinka lagu taageero arrintaas ay dajisay. og inkluderings-minister. Hun sier at kommunene vil få støtte til å ta imot flyktningene og skaffe dem det som trengs.

Xigasho/kilde: Vil kunne bosette 22.000 flyktninger på kort tid.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x