Boqorka dalka Sweden Carl XVI Gustaf ayaa maanta waraaaha aqoonsiga safiirnimo ka gudoomay safiirka cusub ee dowlada Soomaaliya ay usoo magacowday dalka Sweden iyo dalalka kale ee Scandenevian-ka, Ambassador Maxamed Xasan Cabdi.
Boqorka ayaa qaab sarre oo raacsan hanaanka iyo habraacca qaabilaadda safiiradda cusub ee waraaqaha aqoonsiga u gudbiyo dowladda Sweden oo dhaqan ahaan ah madaxa rasmiga ah ee dowladda Sweden.
Safiir Mohamed ayaa qoraal uu la qeybqasaday bulshada ku sheegay: in boqorka Sweden uu kala hadlay xiriirka labadda dil iyo wanaajinta wada-shaqeynta labadda dowladood.
Sweden ayaa kamid ah dalalka deeqaha ugu badan siiya dowladda Soomaaliya, waxaana Sweden kunool jaaliyadd soomaaliyeed oo badan.