søndag, mai 5, 2024

Bergen: Nin qirtay dilka aabihii oo boolisku ay xireen.

Booliska magaaladda Bergen ee dalkan Norway ayaa sheegay inay xalay xabsiga dhigeen nin sodomeeyo(30) jir ah oo ku eedeysan fal mindi loo adeegsaday oo lagu dilay nin kontomeeyo (50) jir ah. Falkan ayaa ka dhacay dukaan kuyaal bartamahha magaalada Bergen.

Booliska ayaa markii danbe xaqiijiay in qofka falkan loo qabtay uu yahay wiilka ninka kontor jirka ah ee geeriyooday. Kaas oo markii ay boolisku wareysteen qirtay inuu isagu ka danbeeyay falkaas, balse ay ka muuqatay argagax weyn oo la xiriira falka uu sameeyay, sida ay boolisku sheegeen.

Sidoo kale haweenay 50-meeyo ku jirta ayaa iyadana dhaawacyo fududi soo gaareen sida uu warbaahinta u sheegay Tom Johannessen oo ah madaxa howlgalada Booliska mandiqadda galbeed. Haweenayda ayaa ahayd xaaska ninka dhintay.

Booliska ayaa gacanta ku dhigay mindi loo malaynayo inay tahay tii uu dilka iyo dhaawaca ku geystay ninkaasi.

Xigaaho: Godtar varetekt: – I sjokk og preget, men erkjenner straffskyld.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x