tirsdag, april 30, 2024

Barlamaanka Norway oo Codsaday in khudbad uu u jeediyo Madaxweynaha Ukrain

Masud Gharahkhani oo ah guddoomiya Barlamaanka Norway ayaa la xariiray Safiirka Ukraine isagoo weydiiyay bal inay suurto gal tahay Khudbad uu madaxweyne Volodymyr Zelenskyj u jeediyo Barlamaanka Norway.

Madaxweynaha Ukraine ayaa isbuucay khudbado xamaasad dheeraad ah watay ka jeediyay baarlamaanadda dalalka Germany, UK iyo Mareykanka. Wuxuuna gudoomiyaha baarlamaanka Norway sheegay inuu jeclaan lahaa in arrintaas oo kale ay ka dhacdo Norway, wuxuuna codsi arrintaas ku saabsan u diray safiirka Ukraine ee Norway.

Masud ayaa sheegay in in badan oo saaxibadiisa Barlamaanku arrinta abaal weyn ku haynayaan haddii ay dhacdo, isaga oo raaciyey in wada shaqayn xooggan ka dhexeeyso barlamaanada labada dal.

Xigasho/kilde: Stortinget har spurt om Zelenskyj vil holde tale.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x