onsdag, mai 1, 2024

Afar askari oo mareykan ah oo ku dhintay shil diyaaradeed oo woqooyiga Norway ka dhacay.

Afar(4) askari oo dhalasho ahaan Mareykan ah, kana tirsan kuwa Nato ayaa ku dhintay shil diyaaradeed oo xalay ka dhacay degmadda Beiarn ee gobolka Nordland. Afarta askari ayaa ku qeybqaadanayay dhoolo-tus iyo tababar milatari oo ay si wadajir ah u sameynayeen ciidamadda kala duwan ee Nato.

Ciidanka Norway ayaa cadeeyay shilka diyaaradeed, waxeyna sheegeen in afarta qofba aan naf loogu tagin marka ay laamaha gargaarka deg-dega ah gaareen goobta uu shilkaas ka dhacay.

Diyaaraddan oo ay leeyihiin ciidanka badda Mareykanka ayaa la waayay shaley fiidkii xili ay qeyb ka aheyd dhoolo-tuska milatari ee loogu magacdaray jawaabta qabow( Cold Response) ee qeyb ay ka wada yihiin dalalka Nato. Xiliga diyaaradda la waayay ayaa waxaa jiray hawo xun oo adkeysay in laamaha amaanku ay dhaqso ku gaaraan goobta uu shilkaas ka dhacay.

Reysulwasaaraha Norway ayaa bogiisa Twitterka ugu tacsiyeeyay ciidanka geeriyooday, halka safaaradda Mareykanka ay Norway ay ka mahad-celisay qaabka ay Norway uga fal-celisay shilka dhacay ee ay ku dhinteen afarta askari ee mareykanka.

Xigasho/kilde: Fire amerikanere bekreftet omkommet.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x