søndag, mai 5, 2024

2 milyan qof oo aan wali hubin kaararkii canshuurta ee bilowgii sanadkan loo diray.

2 bilood ka dib markii waaxda canshuurtu soo dirtay kaararkii canshuurta sanadkan 2022, ayaa ilaa hadda waxa jira 2milyan oo Noorweeji ah oo aanba iska fiirin ama hubin in warbinta koo soo diray sax tahay iyo in kaleba.

Farriin ay soo direen agaasinka canshuurahu arbacadii ayey ku taliyeen in la iska fiiriyo warbixinta canshuurta.

Haddii aad doonayso inaad iska hubiso inaad bixisay canshuurtii saxda ahayd waa inaad iska fiiriso in warbixintayadu sax tahay ayey tiri Marta Johanne Gjengedal oo madax qaybeed ka tirsan agaasinka canshuuraha.

Kaarka canshuurta wuxuu muujinayaa inta canshuur laga jarayo mushahar iyo dhaqaalaha kale ee ku soo gali kara sanadkan 2022 , waxaana la eegi karay ama la soo dirayba tan iyo 15 desember ee sannadkii tegey.

Qaybo ka mid ah warbixinta ay agaasinka casnhuurtu ka faaidaysanayaan si ay u soo saaraan kaarka canshuurta 2022 ayaa ah qaybo ka mid ah canshuurihii iyo dakhligii sannadkii 2020.

Hase yeeshee isbedelda dambe ee ku yimi noloshaada iyo dhaqaalahaaga khaaska ah ayaa raad ku yeelan karo nooca canshuurta aad bixinaysid.

Waaxda canshuuraha: QIYAASTAYADA IYO CANSHUURTUBA QALAD AYEEY NOQON KARAAN:

Canshuurta laga jarayo waxaan ka xisaabinnaa sida aan u maleyno in dakhligaaga, kharashkaaga iyo hantida aad haysato ay ahaayeen ama u muuqdeen 2020. Sidoo kale waxaan ognahay in Safmareenka koroonaha, bedelidda sharciyada iyo isbedelka xaaladda nololeed ay qiyaastayada ka dhigi karaan mid qalad ah.

Markaa waxaa dhici karta in canshuurtuna ay noqon karto mid qalad ah ayeey hoosta ka xarriiqday Gjengedal.

Hadii aad rabtid inaad iska hubiso in canshuurta lagaa jarayo sanadkan 2022 ay tahay mid u qalanta mushaarka kusoo gala, ama aad rabto inaad wax ka badasho, halkan ka fiiri: Min skattekort.

Xigasho/kilde: To millioner har ikke sjekket skattekortet.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x