tirsdag, mai 21, 2024

Xeer cusub oo saameyn ku yeelan doono kumanaan qof oo heysto leysinka baabuurta.

Xeer cusub oo dhawaan dhaqangalay ayaa dadka qaba xanuunka sonkorta, isticmaalana daawooyinka dajiya sonkorta dhiiga( blodsukkersenkende medisiner) ku qasbayo inay cusbooneysiistaan leysinka baabuur wadista. Xeerkan ayaa saameyn ku yeelan doono kumanaan qof oo qaba xanuunka sonkorowga.


Synnøve Vebostad oo katirsan hey´adda gaadiidka iyo wadooyinka ee Statens Vegvesen ayaa sheegtay in isbadalka lagu sameeyay xeerka gaadiidku uu dadka adeegsada daawooyinka dajiya dhiiga sonkorta waajib uga dhigaya inay heystaan shahaado caafimaad oo ugu badnaan la gooyay shan(5) sano kahor.

Xeerkan cusub ayaa dhamaan dadka qaata daawooyinka dajiya(hoos u dhiga) sonkorta dhiiga ee leysinka qaatay shan(5) sano kahor, ku qasbayo inay sanadkan 2022 dib u cusbooneysiiyaan leysinkooda baabuurka, kadib marka ay hey´adda Statens Vegvesen u gudbiyaan shahaado caafimaad. Sida lagu sheegay qoraalka kasoo baxay hey´adda, dadkaas ayaa laga rabaa inay leysinka cusbooneysiistaan ugu dambeyn 23-ka bisha Janaury(1) ee sanadka 2023.

Cusbooneysiinta ayaan ka dhigneyn in qofku uu mar kale dib u qaadanayo leysinka, balse waxaa la siinayaa kaar leysin oo cusub, kadib marka uu hey´adda wadooyinka ka diiwaangaliyo warqadda shahaadadda caafimaadka ee ka turjumeyso xaaladda caafimaadka ee qofka.

Isbadalkan cusub ayaa yimid kadib markii lasoo rogay xeer waajib ka dhigaya in dadka qaata daawooyinka sonkorta uu xaaladooda caafimaad si dhow oo joogto ah ula socdo qof dhakhtar.

Xigasho/kilde: Nye førerkortregler rammer mange tusen.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x