onsdag, januar 15, 2025

Wasiiraddii caanka aheyd ee qoxootiga ku noqotay Norway.

Nargis Nehan (40-jir) waxay ahayd haweeney si weyn loo yaqaan dalka Afgaanistaan, waxeyna aheyd qof dhiiran oo dhaqdhaqaaqda arrimaha haweenka. Waxayna horay wasiir uga soo noqotay dowladda Afghanistan. Hadda waxay qaxooti ku tahay Mo i Rana.
Lix bilood kadib markii Taliban ay la wareegeen awoodda dalkeeda, ayee waxay si adag u dhaleecenaysa ururka ay kasoo carartay, sida uu sheegay TV 2.

“Waxaan xanuunka la wadagayaa dhammaan kuwa aan haysan cunto ama dugsi ay ka galaan qabowga daran ee xiliga jiilaalka. Kuwa ku nool cabsida Taliban, iyo dhammaan haweenka iyo gabdhaha lumiyey rajooyinkoodi mustaqbalka” ayee tiri Nehan.

Nehan ayaa waxay ku qasbanaatay inay qoyskeeda ula haajirto Pakistan ayaddo gabar yar ah, intii uu socday dagaalkii sokeeye ee dalkeeda ka dhacay 1992-1996. Dabadeed Taliban ayaa xukunka la wareegtay, qoyskeeduna waxay ku nagaadeen Pakistan.

Nehan waxay ku soo noqotay Afgaanistaan ​​ka dib duulaankii Maraykanku hogaaminayey ee 2001. ayaddo loo bandhigay jegooyin kala duwan gudaha dawladda. In muddo ah, waxay sidoo kale ku lug lahayd wadahadalo nabadeed oo lala yeelanayey Taliban.

“Waxaan si degdeg ah u gartay in Taalibaan aanay raadinayn xaajeesi nabadeed” ayee tiri Nehan kadib markii taaliban ay la wareegayn awooda dalka afghanistan».

Markii Taliban ay galeen Kabul, qoysku waxa qasab qoyska ku noqotay inay si degdeg ah wadanka isaga baxaan. Safaarada Norway ayaa la soo xidhiidhay oo u soo bandhigtay daad gureeyn nabadgelyo. Nehan ayaa haatan waxay Norway kala socota xaaladda dalkeeda hooyo.

“Xaaladda haweenka Afgaanistaan ​​way ka liidataa xabsiga. Markaad xabsiga ku jirto, waxaad helaysaa waxaad cunto ugu yaraan saddex jeer maalintii. Balse hadda dumarka xabsiga loo tabaaxay ayaan fursad u helin in ay cunto helaan” ayee tiri Nehan ayaddo ka faaloonaysa xaladda dumarka wadankeeda hooyo laso daristay.

Xigasho/kilde: Frå minister til flyktning.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x