fredag, mai 17, 2024

Tromsø: Dhakhtarka ayaa diiday in diyaarad Umbelunce ah loo diro: Dhexda ayuu bukaankii ku dhintay.

Isbitaalka weyn ee dowlada ee kuyaal woqooyiga dalkan Norway ayaa cambaareyn kala kulmay hey´adda kor joogteynta waaxaha caafimaadka Norway( Helsetilsynet), kadib markii qof bukaan ah loo diiday in lagu soo qaado diyaaradda gargaarka deg-deg ah ee loogu talagalay in lagu qaado xaaladdaha aadka u daran ee deg-dega ah. Qofka bukaanka ah oo markii diyaaradda loo diiday kadib baabuur lagu soo qaaday, ayaa dhexda ku geeriyooday intii loo sii waday isbitaalka oo kuyaal magaaladda Tromsø.

Qofka bukaanka ah ee geeriyooday ayaa qabay calaamado muujinayo xanuun ama caabuq dhanka hawa-mareenadda ah. Dhakhtarka masuulka ka ah dirista dyaaradda gargaarka deg-dega ah ayaa ka cabsi qabay in qofkaas uu qabo xanuunka corona. Wuxuuna diiday inuu bixiyo amarka ah in qofkaas diyaarad lagu soo qaado, isaga oo diidanaa in diyaaradda dhaqitaan iyo nadiifin lagu sameyn doono, marka ay qofkaas soo qaado kadib.

Bukaanka ayaana waxaa lagu doonay baabuurta Umblunce, isaga oo geeriyooday intii uu dhexda kusoo jiray. Masaafadda u dhaxeyso meesha uu qofka xanuunsan ku noolaa iyo isbitaalka ayaa aheyd 230 km.

Qof kale oo loo sameeyay neef dib ugu soo celin:

Isla isbitaalkan ayaa diiday in qof bukaan ah oo laga cabsi qabay inuu dhiigiisu sumoobay u diro diyaaradda gargaarka. Waxaana taas badalkeeda qofkii xanuunsanaa loo diray baabuurka gargaarka deg-dega ah.

Dhakhtarka masuulka ka ahaa diritaanka gargaarka deg-dega ah, ayaa sheegay in qofkaas aysna xaaladiisu u xumeyn sida loo sheegayo. Wuxuuna ogolaaday in lagu soo qaado baabuur, halkii uu diyaarad u diri lahaa.

Xaaladda qofkaas bukaanka ah ayaa aad u xumaatay intii uu baabuurka gargaarka uu usoo waday Tromsø. Iyada oo markii danbe lagu qasbanaaday in loo sameeyo xaalad naf-baadin ah.

Hey´adda kor joogteynta waaxaha caafimaadka Norway( Helsetilsynet) ayaa labadda(2) ku cambaareysya isbitaalka Trømso. Isbitaalka ayaa dhankiisa qirtay inay qalad sameeyeen, waxeyna aqbaleen canaanta loo soo jeediyay.

Xigasho/kilde: Lege ville ikke sende helikopter i koronafrykt – en pasient døde.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x