fredag, mai 3, 2024

Sweden oo maalmo kadib qaadeyso dhamaan xeerarka corona.

Reysulwasaaraha dalka Sweden, Magdalena Andersson oo maanta shir jaraa’id la qabatay xubno katirsan dowladeeda, ayaa sheegtay in laga bilaabo sagaalka(9) bishan Febraayo la qaadi doono dhamaan shuruucda la xiriira xakameynta corona ee dalkaas lagu soo rogay dhowrkii bilood ee ugu danbeyay.

Reysulwasaaraha ayaa sheegtay in laga gudbay xiligii adkaa ee xanuunka corona, hadana la joogo xiligii dalkaas lagu soo celin lahaa xaalad caadi ah. Waxeyna go\ aanka ay dowladu gaartay ku sababeysay sadex qodob oo kala ah:
1.Aqoonta iyo macluumaadka ay bulshadu ka heysato xanuunka covid-19 oo kordhay.
2.Xarumaha caafimaadka oo sheegay in xaaladdu xiligan degan tahay, aadna ay u yaryihiin dadka wakhtigaan la joogo ah sida aadka ah ugu xanuunsaday Covid-19
3.Dadka qaatay Tallaalka oo aad kordhay, welina sii siyaadeysa.
Hayàda caafimaadka Sweden ayaa iyana sheegtay in weli xanuunku jiro balse uu haatan yahay mid aan khatar badan lahayn dadku la noolaan karaan. Sweden ayaa hada Covid-19 u aqoonsan doonto inuu yahay xanuun aan bulshada khatar ku ahayn.

Arrintaas oo jirta, reysulwasaaraha Sweden ayaa dhamaan dadka isku arka calaamadaha xanuunka ugu baaqeyso inay gurigooda joogaan.

Xigasho/kilde: Sverige avvikler koronarestriksjonene 9. februar.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x