lørdag, mai 18, 2024

Norway: Waxaan qiimeyneynaa inaan qalab ciidan u dirno Ukraine.

Reysulwasaaraha dalkan Norway, Jonas Gahr Større ayaa sheegay in dowlada Norway ay qiimeyneyso inay qalab ciidan u dirto dalka Ukraine ee weerarku uu ku socdo.

Resyulwasaaraha ayaa NRK u sheegay in qalab ciidan ee Norway ay rabto inay dirto uusan aheyn hub, balse uu noqon karo qalab kale oo ciidan oo loo adeegsan karo xaaladda hada taagan.

Waxaan hada fiirineynaa liiska ay dowlada Ukraine noo soo gubdisay ee ku saabsan waxa ay u baahanyihiin. Kadib ayaan fiirin doonaa waxa aan u diri karno, ayuu reysulwasaaruhu u sheegay NRK.

Hadalka reysulwasaaraha Norway ayaa yimid xili caawa fiidkii uu Hogaamiyaha Germany Olaf Scholtz sheegay in ay Ukraine ugu deeqayaan 1000 xabo oo lidka taangiga ah iyo 500 oo Gantaalaha dhaadheer ah.

Xeer uu baarlamaanka Norway ansixiyay sanadkii 1959-kii ayaa dhigaya in hub lagu farsameeyay Norway iyo rasaas ciidanba aan laga iibin karin dalal ay ka socdaan dagaalo, ama halis ugu jiro inuu dagaal ka dhaco.

Xigasho/kilde: Støre: Norge vurderer å sende militært utstyr til Ukraina.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x