fredag, mai 17, 2024

Stavanger: 68 sano jir ku eedeysnaa dilka qooleey-Shimbir oo xabsi lagu xukumay.

Maxkamadda koonfurta gobolka Rogoland ayaa xukun 14 maalmood ah oo shuruudeysan ku xukuntay odey 68 sano jir ah, kaas oo ku eedeysnaa inuu ka danbeeyay dilka shimbir qooley ah oo dhimatay.

Dhacdaddan ayaa bishii April ee sanadkii lasoo dhaafay, ka dhacday meel u dhow dekadda magaaladda Sandnes. Wuxuuna ninkan sheegay inuu ka xanaaqay shimbirta uu dilay oo isku deyday inay cunto rooti uu u watay shimbiro kale oo goobtaas xiligaas ku sugnaa, ninkana uu rabay inuu quudiyo.

Xeer ilaalinta maxkamadda ayaa ninkan ku eedeeyay inuu silic dil ku sameeyay shimbirtaas, waxaana lagu soo oogay qodobka tacadiga iyo xadgudubka xayawaanka ee xeerka ciqaabta Norway.

Ninkan ayaa maxkamadda ka hor sheegay inuu shimbirtan iska qabtay, kadib uu ku tuuray biyaha xeebta. Laakiin qof markhaati goobjooge ahaa oo maxkamadda ka marag furay ayaa sheegay in ninkan uu shimbirta la dhacay dhulka, kahor inta uusan tuurin iyada oo dhaawac xun ah.

Shimbirta ayaana markii danbe dhimatay, kadib markii ay isku dayeen inay daaweeyaan kooxda xanaanadda xoolaha ee degmadda.

Xigasho/kilkde: 68-åring dømt for å ha drept måke som «stjal» julebrød.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x