tirsdag, mai 21, 2024

Soomaaliya oo mudo dheer kadib safiir usoo magacowday Sweden iyo dalalka Scandenevianka.

Dowlada Soomaaliya ayaa mudo dheer kadib safiir usoo magacowday dalka Sweden.Mohamed Hassan Abdi oo ah safiirka cusub ee Sweden loo soo magacaabay ayaa sidoo kale Soomaaliya u qaabilsanaan doono dalalka kale ee Scandanevianka, sida Norway iyo Denmark.

Safiirkan cusub ayaa noqon doono safiirkii labaad(2) ee Soomaaliya ay usoo magacowdo dalalka Scandenevianka mudo sodon sano ah kadib burburkii dowladii dhexe ee Soomaaliya. Sanadkii 2016 ayay sidoo kale Soomaaliya Sweden usoo magacowday Safiir Cawaale Cali Kulane, kaas oo markii danbena loo badalay dalka Shiinaha oo uu hada safiir ka yahay.

Magacaabista safiirka cusub ee Soomaaliya ayaa kusoo aadeyso xili soomaalida kunool dalalka Nordica, gaar ahaan dalkan Norway ay baahi weyn u qabeen safaarad soomaaliyeed oo ay ka helaan adeegyadda safarka sida baasaboorka, xaqiijinta muwaadinimadda, waraaqaha dhalashada ilmah, kala wareegista waraaqaha dhulalka iwm.

Xigasho/kilde: Arlaami Media Nettwork

wp_ad_camp_1

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x