tirsdag, mai 21, 2024

Ski: Labo(3) dhalinyaro ah oo mindi lagu dhaawacay iyo nin loo qabtay falkaas.

Waxaa xalay magaalada Ski ee gobolka Viken lagu dhaawacay labo(2) qof oo dhalinyaro ah. Booliska ayaana falkaas usoo qabtay nin sodomeeyo(30) jir ah. Ninka ay boolisku qabteen ayaa ah qof aysan boolisku horey aqoon ugu laheyn, sida ay sheegeen.

Dad goob-joogayaal ah ayaa sheegay inay arkeen haweenay kasoo baxday guri oo uu nin ku ceyrsanayo mindi. Waxaana isku dayay inay ka qabtaan labo nin oo dhalinyaro ah, kuwaas oo ah labadda qof ee minida lagu dhaawacayay.

Labadda(2) dhalinyaradda ah ee la dhaawacay, ayaa la dhigay isbitaalka oo hada lagu daaweynayo. Waxaana la sheegay in xaaladooda ay hadda mareyso meel fiican. Waxaa isagana jiro qof sadexaad(3) oo la socday labadaas dhalinyaradda ah, kaas oo lala socdo xaaladiisa, maadaama uu naxdin ka qaaday falkan.

Booliska ayaa dhanka kale sheegay in ninka falka loo qabtay lagu soo oogi doono dacwad la xiriirto isku dey dil. Booliska ayaa ilaa hada aan faah-faahin ka bixin dhacdadan, waxeyna sheegeen inay wadaan baaritaankeeda.

Xigasho/kilde: Ukjent mann siktet for å ha stukket tenåringer med kniv.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x