tirsdag, mai 21, 2024

Shirkadaha diyaaraddaha oo joojiyey shardigii af-xirka ee duulimaadyada Scandenevianka.

Shirkadaha diyaaradaha ee Norwegian iyo Widerøe ayaa qaadey shuruudihi af xirka ee duullimaadyada isaga gudba dalalka Iskandaneefiyanka. SAS waxay sugaysaa ilaa Talaadada, dhanka kale, Flyrna waxay qaadey shuruudaha afka xirka oo dhan.

“Arintaan ayaa waxa ay saameynaysa inta badan duullimaadyada u dhexeeya Norway, Sweden iyo Danmark, iyo sidoo kale duullimaadyada gudaha. Laakiin haddii rakaabka qaarkood ay rabaan, dabcan waa ay isticmaali karaan af-xidhka. Qof kastaa waa inuu dareemaa xasilooni” ayay E24 ku tidhi lataliyaha dhinaca isgaadhsiinta ee Silje Glorvigen.

Warka ayaa imaanaya ka dib markii dowladdu ay sabtidii iclaamisey inay joojineyso ku dhawaad ​​​​dhamaan tallaabooyinka ka hortaga corona.

Go’aanadda Shuruudaha af xirka ee ay qaateen shirkadaha duullimaadyada Norwa,y waxay sido kale khuseyn doonaan garoommada wadanka dibadiisa ee sido kale qaadey shuruudaha afxirka. . Widerøe waxay sheegtey in shuruuda afxirka laga qaadey wadamadda Scandinavianka, laakiin la saarey safarrada UK iyo Alicante, iyo meelo kale.

Isla marka ay dhaqan galaan go’aamadaan ayaa waxa qofku uu ikhtiyaar u yeelan doona xirashada af-xirka.

SAS ayaan wali iyadu go´aan ka gaarin qaadista shardiga afxirka.

Xigasho/kilde: Flyselskaper fjerner munnbindkrav i Skandinavia.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x