søndag, mai 19, 2024

Ruushka oo duulaankii Ukraine kadib u digaya Sweden iyo Finland oo daris la ah.

Ruushka ayaa ka digaya haddii dagaalka Ukraine uu horseedo in Sweden ama Finland ay damaaciyaan inay ku biiraan NATO.
Ku biiritaanka Finland iyo Sweden ee NATO waxay yeelan doontaa cawaaqib millatari iyo mid siyaasadeed,” ayay afhayeen u hadashay wasaaradda arrimaha dibadda Ruushka Maria Zakharova u sheegtay wakaaladda wararka Ruushka ee Tass.


Waxaan la soconaa in Sweden iyo Finland labaduba ay ka qaybgaleen shirkii NATO Jimcihii. Labadda wadan midkoodna, sida Ukraine kama mid aha isbahaysiga NATO. Weerarka Ruushka uu ku qaaday deriskooda dhanka koonfureed ayaa dhaliyay dood ku saabsan xubinimada NATO ee sweden iyo Finland.
“Waa muhiim in Finland iyo Iswidhan ay ka qaybgalaan shirka NATO” wasiirka arrimaha dibadda Pekka Haavisto ayaa u sheegay YLE ka hor kulanka jimcihii.

Sweden ayaa ka jawaabtay:
Ruushku duulaanku ku qaadey Ukrain ayaa waxa saldhig u ah inay rabaan dammaanadqaad ah, in Ukraine aysan marnaba ku biirin NATO.
“Mowqifka Iswiidhan waa cad yahay. Iswiidhan ayaa go’aan ka gaaraysa siyaasadda amnigeeda” ra’iisul wasaaraha Sweden Magdalena Andersson ayaa sidaas ku jawaabtay shir jaraa’id oo ay qabatay habeenkii jimcaha, sida ay sheegtay Expressen.


Waxay sidoo kale tilmaantay in xasiloonida iyo siyaasadda amniga Sweden ay si gaar ah muhiim ugu tahay hadda.

Ruushka uma arko Sweden dhexdhexaad ayee leeyihin qubarada qaarkood. Ruushka Mowqifkoodu waa cadyahay, horay ayey hanjabaado la mid ah tan soo jeedin jireen. Ruushku hadda waxa laga yaabaa inuu dareemayo in uu si cad u caddeeyo mowqifkiisa uu kaga hortagayo khatar so wajahda, ayuu yidhi Tony Ingesson, khabiir ku takhasusay falanqaynta sirdoonka ee jaamacadda Lund..


Waxa uu sheegay in Ruushku uu si gaar ah u eegayo Iswidhan, taas uu u arko waddan ka tirsan NATO marka la eego iskaashiga dhow ee ka dhaxeeya dalka Sweden iyo dowladaha katirsan Nato, sida Norway oo kale.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x