lørdag, mai 18, 2024

Reysulwasaaraha Sweden: Anagu Nato qeyb kama noqon doono.

Reysulwasaaraha dalka Sweden Magdalena Andersson ayaa sheegtay in weerarku uu Ruushku ku qaaday dalka Ukraine aysan badali doonin doorashadii dalka Sweden ee aheyd in dalkaas uusan ku biirin gaashaan-buurta Nato.

Reysulwasaaraha ayaa sheegtay:

Xaalad noocan oo kale ah waxaa muhiim ah inaan ku adkeysano siyaasadii amni mudadda soo socotay ee dalka Sweden. Inaan nahay dad la ogyahay/lagu xisaabtami karo meesha ay joogaan, iyo inaan nahay dad warkoodu cadyahay.

Reysulwasaaraha ayaa sheegtay in Sweden ay mudo banaanka ka taagneyd kamid noqoshada ururka Nato, arrintaas oo aheyd mid u adeegtay danaha dalka Sweden.

Sweden ayaa kamid ah dalalka dariska la ah, xuduudkana la wadaago dalweynaha Ruushka ee cabsida ku riday guud ahaan dalalka qaaradda Yurub, gaar ahaan dalalka dariska la ah ama xuduudka la wadaago.

Dhanka kale reysulwasaaraha Sweden Magdalena Andersson ayaa sheegtay in dalka Finland uu aad ugu dhowyahay kamid noqoshada ururka Nato, uuna dalkaas codsan doono kamid noqoshada ururka Nato, hadii ay xaaladda amni keento.

Xigasho/kilde: Russlands angrep endrer ikke på Sveriges holdning til Nato.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x