fredag, mai 3, 2024

R.W Jonas: Ma aragno baahi loo qabo adeegsiga baasaboorka corona

Reysukwasaaraha Norway Jonas Gahr Støre (Xisbiga Shaqaalaha) ayaa sheegay inaysan haboonayn in hadda laga dhaqan galiyo baasaboorka corona gudaha dalka. Saas oo ay tahay xakuumaddu waxay u dirtay barlamaanka xeer quseeya qadashada passport covid19. Dirista xeerkan ayaa leh ujeedooyinka ay mid yihiin in waqtiga ansixinta xeerkan laga sii baraan dago, isla markaasna lagu fududeeyo qaadashada baasaboorka noocaas ah haddii xaaladdu isbedesho.

Jonas Gahr Større ayaa u sheegay wargeyska Dagbladet in dowladdu ay aaminsan tahay in isticmaalka baasaboorka corona
uusan wax isbedel ah ama saaamayn la taaban karo uu soo siyaadin doonin xaaladda hada jirto.

Ma taageereyno dhaqangalinta xeerkan, maadaama hadda faafitaanka caabuqa uu aad u weyn yahay, isla markaana aanu aqbalnay in caabuqu uu si baahsan ugu fidey bulshada dhexdeeda, ayuu yiri Støre.

Waan qiimeyn doonaa xaaladda aan la tacaaleyno, waxaan ka baaraan dagi doonaa, hannaan u diyaarsan arintan, haddii ay xaaladu ay sidaan iska badasho oo aan isticmaalka baasaboorka corona u aragno mid faa’idadiisa aan laga fursan karin, laakiin qiimaynteenu waxa ay tahay in aanu wax isbeddel ah baasaboorka corona uu samayn dooni hadda, ayuu sheegay reysulwasaaraha Norway.

Hoos ka daawo shirka jaraa\ id ee reysulwasaarahu uu qabtay maalmo kahor:

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x