lørdag, april 27, 2024

Qareen soo jeediyay in wasiirka shaqada ee Hadija Tajik ay xilka ka degt: Sababtan awgeed.

Qareenkii agaasimaha ka ahaa qaddiyaddii dhibayaasha Nav ee xabsiga aysan muteysan lagu xukumay, ayaa aaminsan in Hadia Tajik oo ah wasiirka shaqada iyo isdhexgalka, ay ka fekerto in ay is casisho ka dib markii ay soo baxday qadiyadda in wasiiraddu ay 15 sano kahor sifo aan sax aheyn u adeegsatay guryaha ay dowladu ugu deeqdo xubnaha katirsan xukuumadda ee aan Oslo kasoo jeedin.

Tajik waa inay arrintan u qaadataa si dhab ah. Tani waxa ay taabanaysaa kasoonidii loo hayey ka Wasiir ahaan. Waa inay markaa ka fekerto natiijada ka iman karta ayuu Olav Lægreid oo kamid ah qareenaddan wasiirka dhaleeceynayo u sheegay NRK.

Wasiirka shaqada iyo is dhexgalka ayaa haysatay guri kuwa shaqada ah oo ku yaal Oslo sannadihii 2006-2010. Codsigii u horreyey ee ay xafiiska raiisal wasaaraha u dirsatay ayeey calaamadaysay inaysan bixin wax kharash ah oo guri ama deegaan ah, hase-yeeshee codsi cusub oo ay soo dirtay ayeey raacisay kontaraad(heshiis) guri kaas oo ku yaal Rogaland, ayaa lagu qoray VG.

Tajik oo xiligaas la taliye siyaasadeed u ahayd wasiirka shaqada ayaan ka bixin wax kiro ah gurigaa ama deginba, iyada ayaana taa u caddaysay wargeyska VG. Waxayna raacisay in ay la degganayd waalidkeed aysana bixin jirin wax qarash kiro ah.

Mar Tajik la weydiiyey sida ay u aragto hadalka qareenka ee ah inay is casisho ayeey ku jawaabtay: Dabcan waa sharci in la maleeyo ama qofku uu cabiro aragtidiisa ama sida uu wax u arko.

Waxaan ogahay inay imaanayaan su´aalo dhaleecayn ah, waxaana jira dood dhaliil ah oo ku saabsan isticmaalka guryaha shaqada. Hase yeeshee aniga kiiskayga waa sidaas oo waxaan bixinaayey kharash ama kiro guri oo aan siinaayey waalidkay waxaanna raacay sharciga.

Waxaanse rabi lahaa 15 sano ka dib inaan si sidan ka fiican u caddeeyo ama u soo bandhigo.

Qareenada ayaa hada wasiiradda ugu baaqay inay xilka iska casisho, maadaama ay hoos u dhici karto kalsoonida lagu qabo.

Xigasho/kilde: Advokat mener Tajik bør vurdere å trekke seg.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x