lørdag, mai 4, 2024

Qareen: Boolisku waxey diidanyihiin inay dib u furaan kiiskii Mahad Abiib, ayna baaraan cadeymahan aan keenay.

Arild Humlen oo ah qareenka Mahad Abiib oo kiiskiisu ay soomaalida Norway aad u xusuusato, ayaa mar kale wareysi uu siiyay muuqaal-baahiyaha TV2 ku sheegay inuu keenay cadeyn muujinayo in Mahad uusan aheyn qofka ay dowlada Norway sheegeyso inuu yahay. Wuxuuna qareenku raaciyay in Mahad loo xukumay qaab cadaalad daro ah oo gar eexo(Justismord) laga naqay.

Qareenka ayaa sheegay in xukunkii maxkamadda Oslo ee kiiska Mahad Abiib uu ahaa mid lagu dhisay cadeymo dhinac ah oo aan xaqiiqadda waafaqsaneyn, waa sida uu qareenku sheegay e. Wuxuuna sheegay in xeer ilaalintu ay maxkamadda ku qancisay in Mahad uu yahay nin u dhashay dalka Jabuuti, magaciisa dhabta ah uu yahay Mawliid.

Balse qareenka ayaa sheegayo inuu hada keenay cadeymo muujinayo in ninka ay boolisku sheegayaan ee Mawliid uu yahay qof dhintay bishii November ee sanadkii 2016. Wuxuuna raaciyay inuu keenay sadex cadeymo oo kala duwan uu muujineyso in ninkaas uu geeriyooday, arrintaasna ay xaqiijisay dowladda Jabuuti. Wuxuu tusaale ahaan sheegay inuu keenay cadeynta dhimashada ee ay bixiyaan hey´addaha dowlada Jabuuti, marka uu qofku geeriyoodo.

Su´aashu uu qareenku xeer ilaalinta booliska iyo maxkamaddaha weydiinayo ayaa ah, hadii ninkaas ay boolisku sheegeen inuu ahaa Mahad, uu dhintay sanadkii 2016. Hadaba sidee isla ninkaas geeriyooday uu noqon karaa Mahad Abiib oo xiligan ku nool magaaladda Paris, sida uu qareenku sheegay.

Arild Humlen ayaa sheegay inuu diray dalabyo uu ku codsanayo in dib loo furo kiiska Abiib, mar kalena lagu celiyo maxkamadda, iyada oo la tixgalinyo cadeymaha cusub ee uu miiska keenay. Laakiin booliska ayaa wali ka cago jiidayo inay dhaqaajiyaan baaritaanka kiiskan, waxaana kiiskii la galiyay hakad( shaqo kama socoto) sida uu sheegay qareenka.

TV2 oo sidoo kale wareystay laanta booliska Oslo ee qaabilsan arrimaha ajaaniibta ayaa xaqiijiyay in kiiska Abiib uu wali ku jiro hakis, balse boolisku wey ka gaabsadeen inay bixiyaan macluumaad intaas ka baxsan.

Xigasho/kilde: Norsk politi tviholder på at Mahad egentlig er Mowlid – men tre attester viser at Mowlid er død

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x