tirsdag, mai 21, 2024

Oslo: Maxkamadeynta Nin Soomaal ah oo ku eedeysan dilka wiil kale oo soomaali ah oo Oslo ka soco.

Maxkamadda magaalada Oslo waxaa maalintii Talaadada aheyd ee isbuucan ka bilaabatay dhageysiga dacwad ka dhan nin soomaali ah oo 34 sano jir ah, kaas oo ku eedeysan dil mindi loo adeegsaday oo loo geystay wiil kale oo soomaali ah oo da´diisa ay aheyd labaatameeyo jir(20).

Falkan ayaana ka dhacay guri kuyaal xaafadda ay soomaalidu ku badantahay ee Tøyen ka dhacay bishii may ee sanadkii 2021. Booliska ayaa 34-sano jirkan falka lagu eedeeyay kasoo qabtay hotell kuyaalo magaaladda Oslo saacado kadib marka uu falkaas dhacay.

34-jirka eedeysanaha ah ayaa iska fogeeyay danbiga lagu soo oogay ee dilka ah, wuxuuna sheegay inuu xiliga uu falkaas dhacay uu kujiray is badbaadin naftiisa ah, uuna weerar kusoo qaaday marxuumka geeriyooday.

Marxuumka geeriyooday ayaa ahaa wiil dhalinyaro soomaali ah, waxaana markii hore soo gaaray dhaawac daran oo isbitaalka loo cararay, halkaas oo uu ku geeriyooday afar maalmood kadib marka uu falkan dhacay, sida ay xaqiijiyeen boolisku.

Dhageysiga dacwadda ka dhanka ah 34-jirkan ku eedeysan falkan, ayaa maxkamadda Oslo ka socon doonto mudo afar maalmood ah oo kasoo bilaabatay Talaadadii lasoo dhaafay.

Xigasho/kilde: Mann i retten for drap på Tøyen

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x