lørdag, mai 18, 2024

Norway oo ciidamo u dirtay dalka Lituania, kuna biirayo ciidanka Nato ee aagaas.

Bishii koowaad ee lasoo dhaafay ayay ahayd markii Dowlada Norway ay 150 askari udirtay dalka Litauen, kadib markii ay soo cusboonaatay xiisada dagaal ee udhaxaysa wadanka Ruushka iyo dalka Ukraine oo hada dagaal adagi uu ka dhex socdo.

khamiistii lasoo dhaafay ayuu dalka Ruushku duulaan xoogan kuqaaday dalka Ukraine, iyada oo qaar katirsan wadamada caalamka iyo wadamada reer galbeedku cambaarayn balaaran usoo jeediyeeen dowlada Ruushka, ayna kusoo rogeen cuno-qabataymo waawayn.

Sidoo kale axadii lasoo dhaafay ayay dowlada Norway 44 askari oo kale ku xoojisay ciidamada NATO ee dalalka Yurubta bari ku sugan.

Wasiirka difaaca dalka Norway Odd Roger Enoksen (Sp), ayaa mar uu ka hadlayey garoonka diyaaradaha ee Gardermoen oo ciidamadu ka duulayeen markay kusii jeedeeen xarumaha NATO ee bariga yurub sheegay in Norway ay diyaar u tahay wax kasta oo ay ku xoojinayso ciidamada NATO ee jooga wadamada yurubta bari ee xaduuda la leh wadanka Ukraine ee hada dagaalku kascodo.

Ciidamada ayaa waxaa qaaday diyaarad nooceedu yahay Et C-17 Globemaster oo ah noocyada ugu waawayn dunida ee diyaaradaha xamuulka qaada ah, taas oo markeedii hore lagu sameeyey dalka UKraine.

Xigash0*/kilde: Norske soldater på vei til Litauen.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x