tirsdag, april 30, 2024

Nin u dhashay Ruushka oo loo xiray inuu (Drone) dul marsiiyey Qasriga Boqortooyada Sweden

Jariidadda Aftonbladet ayaa qortay in axaddii la soo dhaafay la qabtay muwaadin Ruush ah oo diyaaradaha fogaanta laga hago(Droner )uu dul marsiiyay Qasriga Drottningsholms oo ah kan ay degganyihiin Boqorka iyo Boqoradda Sweden. Jariidadda ayaa sidoo kale sheegtay in arrinta la gaarsiiyey Ciidamada nabad sugidda Sweden (Svenske sikkerhetspolitiet, Säpo).

Booliska ayaa farriinta helay maalintii axadda markii ay saacaddu ahayd 13:00. Ninka oo goobta lagu qabtay ayaa da’ ahaan ah 40 jir sida ay sheegtay Anne Westberg oo ka tirsan Booliska mandiqadda Stokholm. Ninkan ayaa lagu tuhmay inuu jebiyey sharciga ku saabsan dhismayaasha iyo goobaha ilaalinta gaar ah leh.

Dalka Sweden waxaa ka mamnuuc ah in ay diyaaradaha fogaanta laga hago ay kor duulaan 3-da Qasri ee ku yaal Stockholm kuwaas oo kala ah, Drottningsholms ,Kungliga iyo Haga.

Xigasho/kilde: Russer pågrepet for droneflyging over Drottningsholms slott

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x