lørdag, mai 18, 2024

Nin af-miinshaarnimo labo dumar ah hal mar kula wada socday oo maxkamadda lasoo taagay.

Ninkaan oo 39 jir ah ayaa lagu soo oogay dacwad khiyaano ah, kadib markii uu khiyaameeyey labo dumar ah oo 40-meeyo jir ah, kuwaas oo la sheegay in uu isku mar lawada socdey, mid walba uu lacag si gooni ah uga qaadanayay.

Waxyaabaha kiiskan laga ogyahay ayaa waxaa kamid ah in ninkan uu dumarkaan u sheegay in uu ku maqanyahay safaro dalka Pakistan ah, iyo inuu la safro Ra’iisal Wasaare Erna Solberg, iyo inuu dadka kale u tababaro xirfadda basaasnimada. Isaga oo xiligaas magaalada dhinac ka joogay.

Sida ay booliisku sheegeen, ninkan oo 39 jir ah ayaa dumarkii ay saaxiibada ahaayeen khiyaameeyay oo u sheegay in uu haysto shaqo dawladeed, mushahar fiicana qaato, isagoo ka faa’iidaysanaya ayagga dhaqaalo ahaan. Laakiin caadi ahaan ninkan ayaan ka shaqeyn dhamaan shaqooyinka uu sheegtay, waxa uu ahaa qof danbiile horey usoo noqday oo kiisas maxkamdeed lagu xukumay.

“Ma qiranayo dembiyadaas Intaa ka sokow, wax sharaxaad ah ma uu bixinayo”ayuu yiri qareenka ninkan oo ah Heidi Ysen.

Eedeysanaha oo 39-sano jir ah ayaa ka amaahdey in ka badan hal milyan oo kr mid ka mid ah dumarka, sida ay boolisku sheegeen. Qoftaas ayaa waxa ay sheegtay inuu marka hore u sheegay, inuu ka shaqayn jiray laanta danbiyada dhaqaalaha booliska ee Økokrim, markii dambana uu shaqo ka helay sirdoonka dalkan Norway ee PST.

Tan labaad ayaa waxa la sheegaya inuu magaceeda ka codsadey inay ugu kireeyso gaari nooca raaxada qaaliga ah ee Tesla. Isaga oo marki danbe awoodi kari waayey inuu bixiyo heshiiska kiradda, taas oo sababtey halis dhaqaale oo soo wajahdey haweeneyda uu magaceeda baabuurka ku amaahday. .

Dumarkaan labadda ah ayuu waxa uu saxiib la aha intii u dhaxeesay November 2017 dhamaadka sanadkii 2020, sida ku cad cadeymaha ay xeer ilaalintu soo bandhigtay. Eedeysanaha oo 39-jir ah ayaa sidoo kale lagu soo oogay inuu geystay handadaad ka dhan ah haweenay ee horey iskula socon jirayn.

“Laba nolol ayuu ku noolaa. Wuu na khiyaanay. Wuxu aha qof edeb leh, soo jiidasho leh, af mishaarna ah” ayay tidhi mid ka mid ha haweenka uu la socday. haweenkan ayaa saaxiib noqdey kadib marki ay iska war helaen. Waxa ayaa shegayaan in ay u xaalku meel xun ka gaarey ayna u baahdeen gargaar cilmi-nafsi ah sannadkii lasoo dhaafey. Midkoodna ma doonayso inee magaceeda shaaciso arimo qoys awgood. Waxa ay doonayaan iney u digaan haweenka kale si ay uga dhowrsadaan in sidaas oo kale loo khiyaameeyo, ayay sheegeen.

Xigasho/kilde: Skal ha fortalt kvinner at han jobbet i E-tjenesten – tiltalt for bedrageri.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x