mandag, april 29, 2024

Mustafa Xasan oo ugu danbeyn loo ogolaaday inuu Norway ku noolaado.

Mustafa Xasan oo ah 19 sano jir u dhashay dalka Urdun, 14-kii sano ee ugu danbeeyeyna ku noolaa Norway dalkan Norway ayaa maanta ugu danbeyn sharci ka helay dalkan Norway, kadib dagaal adag oo uu kula jiray hey\ adda ajaaniibta dhowrkii sano ee ugu danbeeyay.

Mustafa ayaa sanadkii 2008 soo galay Norway, isaga oo xiligaas ahaa 6 sano jir ah, wuxuuna la socday hooyadiis iyo walaalihiis kale. Hooyadii oo asal ahaan u dhalatay dalka Urdun, ayaa sheegatay inay kasoo jeedo Falastiin, waxeyna sidaas sharci uga heshay dowlada Norway. Afar(4) kadib ayay UDI-du ogaatay in Mustafa hooyadiis aysan u dhalan Falastiin, waxaana laga celiyay sharcigii magangalyada, iyada oo markii danbena laga tarxiilay Norway.

Wiilkan ayaa ka haray hooyadiis, wuxuuna isku dayay inuu si iskiis ah gaar ah sharci uga helo dowlada Norway. Balse hey’ addaha qoxootiga ee UDI-da iyo UNE ayaa diiday inay sharci siiyaan, waxaana lagu amray inuu dalka isaga baxo.

Kadib markii uu kiiskiisu soo shaac-baxay, wuxuu taageero ka helay dadweynaha Norway, waxaana loo uruuriyay lacag tiro badan. Isaga oo sidoo kalena maxkamad la fuulay hey’ adda qoxootiga ee UNE, maxkamadaas uu kaga adkaaday hey’ adda UNE. Dooda ugu xoogan ee qareenadda Mustafa ayaa aheyd in Mustafe aan loo tixgalin caruurnamadiisa iyo inuu noloshiisa intiiisii badneyd ku qaatay Norway.

Maanta ayay cadaatay inuu ugu danbeyn ka guuleystay hey’ addaha qoxootiga, loona ogolaaday inuu dal ku joog ah uu ka helo dowlada Norway.

Mustafa oo nolol ciriir ah oo hubinti la’ aan ku noolaa Norway 14-kii sano ee ugu danbeeyay, ayaa sheegay in noloshiisa ay hada uu si rasmi ah u bilaaban doonto, maadaama laga dulqaaday culeyskii weynaa ee heystay.

Xigasho/kilde: Mustafa Hasan (19) vant saken mot Utlendingsnemnda

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x